Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 7aad

Wednesday November 11, 2009 - 09:35:24
0 Comments
3170
Super Admin
Waa qaybtii Todobaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.

Intaa kadib, Axmed waxuu guriga Nasiib  ku gaaray ilaa xilli danbe habeenkii asagoo uga sheekaynayay sheekooyin aad u macaan doonayayna in uu I loowsiiyo xanuunka  haya gacalisadiisa, runtii Axmed waxuu ahaa wiil aad u wanaagsan  Nasiibna aad u jecel, Axmed mar walba waxuu ka fakari jiray Nasiib siday ku gaari lahayd heer, farxad iyo caafimaadna ku heli laheyd.

Habeen habeenada kamid ah ayaa  waxaa dhacay Axmed oo jooga gurigiisa in ay u timaado Nasiib  waxayna ku tiri

 

gacaliye manta waxaa ilasoo hadlay walaalkay iyo abtigay waxayna igu yiraahdeen waxaan doonaynaa in lagu siiyo wiil ay dhashay eedadaa”

 

Axmed ayaa waydiiyay adigana maxaad ugu jawaabtay “gacaliye ilaa iyo hada jawaab ma aanan siin oo waxaan ku iri anigaa go’aan soo gaaraaya”. Axmed ayaa haddana weydiiyay meesha uu joogo wiilka Nasiibna waxay ugu jawaabtay “gacaliye wuxuu joogaa Maraykan waxaana dhashay Eedadayd isoo korsatay iguna haysa hada meeshaan  hadana jawaab baa la iga sugayaa ee maxaan samaynaa”.

 

Runtii Axmed waagii ayaa ku baryay waxaana wadnaha uga dhacay falaar uusan filayn.

 

Axmed oo mudo aamusnaa ayaa Nasiib ku yiri “I dhagayso gacaliso, waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo su’aal taasoo ah miyaad I jaceshahay? Intee in la’eg ayuuse gaaryaa jaceylka aad ii qabto”

Nasiib ayaa tiri “Axmed, gacaliye aad ayaan kuu jeclahay oo jaceyl kaan kuu qabo waa mid ka I waalay”,

Axmed ayaa ku yiri “maxaad ii qaban kartaa gacaliso, inlee waad ogtahay anigaba aad ayaan kuu jeclahay “,

Nasiib ayaa tiri “Nolashaydaan kuu hibeeyay bal wax kaleba daaye”,

Axmed ayaa yiri “hadii aad I jeceshahay farxadaydana jeceshahay yeel reer kaaga hadalkooda oo guurso wiilka ay dhashay eedadaa”,

Nasiib Indhaheeda waxaa soo dhaafay Ilin waxayna  ku tiri “Axmed gacaliye,  uma  aanan Malaynayn in aad hadalkaan I oran doonto, waana ka xumahay asagana ma guursanayo adigana waan kaatagay”,   

intaa kadibna way is taagtay oo waa ay baxday Axmedna wuxuu is kudayay in uu celiyo waa uuna awoodi waayay, Axmed asagoo fadhiya meeshii ay uga tagtay gacalisadiisa Nasiib ayaa waxaa  ugu yimid Maxamed iyo Yaasmiin, waxayna yiraahden

Axmed waan ku salaanay oo ma waxaad ogayd in aan kuu imaanayno oo anagaad nasugaysay

Axmedna uma jawaabin sababtoo ah waxuu ahaa maqane jooge Yaasmin baa ku tiri “Axmed maxaa kugu dhacay waad fakarsantahay” intaa kadibna Axmed waxuu uga sheekeeyay sida ay wax udhaceen, Yaasmiin ayaa waydiisay sababta ku kaliftay in uu ku yiraahdo Nasiib guurso nin kale asna waxuu ugu jawaabay

 “abaayo Yaasmiin idhagayso aniga Nasiib aad baan ujeclahay waxaana ahay wiil dhalin yara ah mana haysto wax dhaqaale ah oo aan kula tartamo nin kaas, anna uma socdo maraykan mana awoodo in aan siiyo Nasiib waxii farxadeeda ah waayo uma awoodo in aay ku noolaato nolol sare, abaayo dantaa igu kaliftay in aan ku iraahdo guurso ninkale gacalisadayda,  abaayo mana doonaayo in aan ku diro Nasiib Waalidkeed iyo walaalaheed mana doonaayo maadaama aana awoodin in aan mar walba horkeeno waxii farxadeeda ah , marka abaayo Yaasmiin arimahaas baa igu kalifay in  aan dhaho hadalkaas”,

Yaasmiin  oo Ooyaysa ayaa tiri “waligay ma arkin jaceelka ku haya oo kale iyo sidaad ugu hibaysay noloshaada gabadhaa jeceshahay farxadeeda”, Maxamed ayaa soo booday oo yiri “waligay jaceel waan maqli jiray waana ka aqriyay buug waana kadaawaday filimaan kanoo kalese Taftey ka banaanka, Axmed waxaad istaahishaa in lagu Dhiso taalo”, Axmed ayaa ugu jawaabay “waad mahadsantihiin”,

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad. Q.4aad. Q.5aad. Q-6aad

Related Items


Leave a comment