Kadibna way kasoo tageen Maxamed iyo Yaasmiin waxayna soo aadeen guriga Nasiib ayagoo doonaya in ay wax usoo sheegaan lanasoo hadlaan, Nasiib waxay ugu yimaadeen ayadoo fadhida gurigeeda hortiisa oo kaligeed fakaraysa, Yaasmiin ayaa tiri “saaxiibay ii waran, sidee tahay, “waan fiicanhay” ayay nasiibna ugu jawaabtay, kadibna waxay waydiisay sida ay wax u jiraan, Nasiibna wey usheegtay sida ay arrini u dhacday, kadibna yaasmiin ayaa waydiisay sababta ay usoo carartay oo uga soo tagtay Axmed, Nasiib ayaa ugu jawaabtay “abaayo aniga waxaan doonayay in uu Niyada ii dhiso balse waxuu igu yiri guurso asaga, hadaan u baahanahay ninkaas asagaba umaan imaadeen umana asheegeen arrintaas ee aniga guursan lahaa”, Yaasmiin ayaa tiri “waligay ma arkin qof kaa nasiib xun”, kadibna waxay uga sheekeysay Sababta ku kaliftay Axmed in uu yiraahdo orad guurso nin kale.
Mmarkay ogaatay runta waxay tahay Nasiib orad ayay soo biloowday waxayna soo aaday gacaliyaheeda xagiisa markay soo gaartayna gurigii Axmed ayay garaacday albaabka, markii laga furayna waxay aragtay Axmed oo fadhiya meeshii ay uga tagtay caawa fiidkii asagoo loowyaha saartay gacmaha kulana jira dhexdooda madaxa, ayadoo soo daashay oo xuurtoonaysa ayay ku soo booday oo is ku duubtay kuna tiri “gacaliye, waan ku baryayaa iska kay cafi waan ogahay in aanan istaahilin qof la cafiyo, waayo qof nolashiisa iisiiyay hadiyad ahaan farxadiisana ubaabi’iyay farxadayda Ayaan dareemi waayay laakiinse waxaad tahay qof xun waayo aniga ma waxaad mooday hadii aan helo farxada aduunka oo idil adigana aan ku waayo in aan ku noolaanaayo farxad”
Axmed ayaa yiri “iga raali naqo aniga mar walba waxaan u ordaa farxadaada mana awoodo in aan ku hoos keeno wax walba oo aad rabtid” Nasiib ayaa ugu jawaabtay “waa beentaa, Axmedow aniga farxadaydu waa adiga, marka hadaadan I rabin ii sheeg oo aad I nacday waayo nolashaydu waa adiga oo kaama ahaan karo la’aan taana nolashaydu Qatar bay ku jirtaa”, Axmed ayaa yiri “isku day in aad I fahantid”, Nasiib ayaa isla markiiba kabobtay hadakii oo tiri “iga raali naqo gacaliye maxaan ku fahmaa mawaxaad doonaysaa in aan nolashaada baabi’iyo kuna dhiso nolashayda, aniga waan kaa tagayaa asagana ima guursanaayo” wada hadal dheer kadib Axmed iyo Nasiib way is fahmeen oo waxuu u soo kaxeeyay gurigoodii.
Dhanka kale waxaa jirtay maamo la yiraahdo cadar oo ah Bahjo Hooyadeed maamo cadar waxay aheed maamo aad u fiican jecelna Axmed waayo wuu qadarin jiray, waxayna siin jirtay mudnaanta koowaad jaceelka Axmed iyo Nasiib waxayna jeclayd in ay midoobaan wayna usheekayn jirtay mar walba dhanka kale Axmed iyo Nasiib jaceel koodu wuxuu noqday mid aad u balaartay balse markay aheed taariikhdu 4/10/2005 oo Hijri-gana ku aadanayd bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaa waxaa yimid Axmed Eedadiis oo ah xaaska aabihii oo ka timid Sacuudiga, Axmedna aad ayuu u soo dhaweeyay eedadiis waayo asagaa u joogay magaalada waxaana la oran jiray Maamo Asli. Axmed eedadiis waxay aheed Maamo Wadaad ah, waxuuna u kaxeeyn jiray eedadiis masaajidka si ay taraawiixda ugu soo tukato.
Habeen habeennada ka mid ah ayaa Nasiib waxay ku sugaysay guriga Yaasmiin, Axmedna waxuu kasoo laabtay musaajidka markay aheed afar saac oo habeennimo kadibna waxuu ka soo tagay guriga eedadiis shan saac oo habeenimo, waxuuna soo aaday Nasiib xageeda ayadoo caawoo dhana sugaysay ayuu iyimid waxuuna ku yiri “waan ku salaamay macaanto” waxayna ugu jawaabtay “waan kaa qaaday gacaliye”, Axmed ayaa ku yiri “waxaan u malaynayaa in aad ii xanaaqsan tahay” Nasiib ayaa tiri “haa, waayo caawoo dhan dhaxan ayaan kuu fadhiyay, adigana hadda ayaad socotaa”, Axmed ayaa yiri “iga raali naqo waad ogtahay waxaan jiray eedo xageeda”
Haasaawe kadib, Axmed waa uu ka soo tagay ayadana waxay seexatay guriga Yaasmiin waayo ma ay aadi karin gurigooda sababtoo ah wuu fogaa, waxaana laga baqi jiray askar oo dadka dhiba waydiiyana sharci, haday ka wayaana ka baara lacag iyo tuugo ku disha dadka dhacaysana.
Habeenkii danbe Axmed waxuu kaxeeyay oo uu u dhigay masaajidka Eedadiis, Nasiibna waxay ku sugaysay guriga Yaasmiin, wuuna ka soo daahay, Nasiib sidii xalay oo kale ayay sugeysay, asaguna waa uu ku qasbanyahay in uu kaxeeyo eedadiis maadama aysan kala aqoon Magaalada oo ay ku cusub tahay qof kaloo kaxeeyana uusan jirin, Axmed 10 habeen ayuu u kaxeeynayay eedadiis masaajidka kana soo celin jiray eedadiis.
Nasiib-na waxay ku sugi jirtay habeen walba guriga Yaasmiin ayadoo u dulqaadan jirtay qaboowga iyo barafka dhacaya kana dhixi jirtay gurigooda. Mudo kadib, Nasiib way u dul qaadan wayday sida uu Axmed samaynayo, Habeenkii danbe ayuu u yimid Nasiib waxayna ku tiri “kaalay maxaad is mooday ama is ka dhaadhicisay in aad tahay? habeen walba adigaan halkaan kugu sugayaa kuuna fadhiyaa kaagana dhaxayaa gurigayga”, Axmed oo yaaban ayaa yiri..... Lasoco qaybta 9-aad isbuuca danbe Insha Allah.
Halkaan ka akhriso:
Leave a comment