Kulankaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kahadlay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland Mudane: Abdullahi Ahmed Jamac General Ilkajiir, khudbadiisa ayaa aad u dhiri galisay dhamaan ka soo qaybgalayaashii madashaas asagoo ku nuux nuuxsaday sida looga hortagi karo iyo waxa bilabay �sababtaan oo ah badeena oo lagu soo xad gudbay aydoo aduunku uu indhaha ka qarsaday auu yiri G. Ilkajiir.
Waxaa asna halkaas ka hadlay Ambassador Yusuf Mohmed Ismail Baribari waxaa uu isna aad ugu dheeraday shirkaas ayna ka muuqatay wadaniyada dalka in ay ilaashaan dadka iska leh wadanka, waxaa u sidoo kale cadeeyey in markasta laga hadlo Burcad-Badeeda laakiin aan laga hadlin qawlaysatada ka qaraabata badeena.
Kulankaa ayaa Run ahantii ahaa mid ay aad u qiira galisay kasoo qaybgalayaashii. Madasha shirka ayaa waxaa aad uga muuqday jaaliyada Reer Puntland ee wadanka Netherland.
Waxaa sidoo kale goobtaas ka hadlay dhalinyaro aad u qiiraysanayd oo ay ka mid yihiin Mahad C/lahi Sardheeye, Mohmed Hasan Abdi-guure, Abdihakin Abdi Ismail( ilkadhagax) iyo Khadro C/laahi Bayle-takarooni iyo dhamaan soo qaban qabayashi shirka oo ay ka mid yihiin Diaspora organizations (Nedsom) iyo ka soo qayb galayaal badan.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
W/D: CabdiXaliim Cabdi ( ilkadhagax
Xaarxaar Online,
Den Haag, Netherland
Leave a comment