Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 11-aad

Thursday December 10, 2009 - 10:36:01
0 Comments
2822
Super Admin
Waa qaybtii Kawyo Tobnaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.


Axmed waa uu yaabay waxuuna garan waayay siday wax u jiraan Axmd haduu cabaar aamusnaa waxuu waydiiyay Bahjo sidaan: �kaalay Bahjo, Nasiib ma is badashay? mise anaa umaleeyay?�, Bahjo ayaa tiri �anigaba uma bogin oo waan ka shakiyay�, Axmed ayaa waydiiyay maxaad umalaynaysaa in uu yahay is badalkaan? Bahjo ayaa tiri ma garanayo balse soomali waxay ku maahmaahdaa war jiraaba cakaaruu imaan Axmed oo madaxa ruxaaya baa yiri waa run taa laakiin ilaahay waxaan ka baryayaa in uu khayr kadhigo Axmed waa uu kasoo tagay Bahjo.
Markii la gaaray xiligii balanta ay u dhigtay Nasiib ayuu soo aaday markuu soo galay guriga ayuu arkay Nasiib waxuuna ku yiri �waan ku salaamay macaaneey�, waxayna tiri �waan kaa qaaday, horayna usoo gudub� Axmed mar kuu fariistay buu ku yiri �macaaneey ma ku waydiin karaa su�aal� Nasiib baa tiri �waad I waydiin kartaa�

Axmed : Ma wax dhib ah ayaa jira
Nasiib: Maya, ee maxaad dareentay
Axmed: Laakiin waad isbedeshay
Nasiib: Adaa u maleeyay
Axmed: Runta ii sheeg, anigu waan dareemi karaa wax inay sharaysan yihiine, side wax u jiraan?
Nasiib: Axmed, aniga waligey kaama gelin khalad, adigana Igama aadan gelin, balse dhibka jira wuxuu yahay Gabadha aad qabtid sababtoo ah horay Ayaan kuu iri Iska fur gabadha aad qabto hadii aadan jecleyn, inlee Qalbigaaga laba qof uma qeybsamo, Warar suuqi ah oo Isoo gaarayna waxaa la ii sheegay inaad gabadha eceshahay, anigana dooni mayo guri dhisan inaan Dumiyo.
Axmed:Hadda maxaa xal ah Nasiibey?
Nasiib: Waayeel lama yiraahdo keen Ilkahaaga tiriyee. Marka xmedow Qalbigaaga si uusan u qeybsami Karin ha u Qeybin, Ama aniga ama ayada mid dooro walaalow. markii lays waydaarsaday hadallo kulul, Axmed wuxuu ugu jawaabay aniga ayaa go�aan soo gaaraya

Kadibna wuu ka soo tagay, wuxuuna soo aaday Xaafadiisii asagoo madaxu isdaba marsanyahay iskuna buuqsan wax uu kala garanayana aysan jirin, wuxuuna noqday dharigii labada dhinacba ka gubtay sababtoo ah waxaa lakala dooransiiyay Nasiib oo uu aad u jecelyahay iyo xaaskiisa oo horay u xumeysan uusanna dooneyn inuu furo

Isla hadal iyo dagaal dheer oo u dhaxeeyay asaga iyo maskaxdiisa Axmed wuxuu go�aan ku gaaray in uu furo xaaskiisa Sahro si uusan u waayin jaceylka Nasiib oo ku sigay inuu u god galo.

Waagu markuu daalacay qoraxdiina soo baxday ayuu waraaqdii furriinka wuxuu u gudbiyay gabadhii uu qabay reerkooda, kadibna wuxuu soo maray Bahjo oo uu u sheegay inuu soo furay xaaskiisii uuna u furay Nasiib daraadeed, wuxuuna ku yiri Nasiib u sheeg arrintaas caawana waan idiin imaanayaa.

Xilligii ballanta markii la gaaray ayuu soo labistay wuxuuna soo abaaray xagaa iyo gurigii Bahjo, wuxuuna yimid gurigii ayagoo ay wada joogan gacalisadiisa Nasiib iyo asxaabteeda Yaasmiin, Bahjo iyo Maxamed oo ahaa gacaliyaha Yaasmiin.
Salaan iyo soo dhaweyn diiran kadib, dhamaantood waxay isku raaceen dhankaa iyo xagga magaalada. Intii wadada lasii socday Axmed iyo Nasiib waxay ahaayeen bah gooni oo ayaga ayaa wada socday inta kalena wey wada socdeen. Waxayna is dhaafsanayeen erayadaan:
Axmed: Gacaliso soo ma faraxsanid maanta?
Nasiib: Maxaa dhacay oo aan ku faraxaa Axmedow?
Axmed: Bahjo soo kuuma sheegin fariinteydii oo ah inaan furayXaaskeygii.
Nasiib: oo maxaa cadeyn ah?!!.
Axmed: (Asaga oo naxsan) Maxaad dhacay oo aad ula jeedaa hadalkaas?
Nasiib: Hadii aad furtay iyo hadii kale waa kuu kaligaa!!!.

Axmed wuu istaagay madaxa ayuuna gacmaha saaray dhidid waa weyn ayuu soo tuuray, afkii baa qalalay, indhihii banaanka ayuu keenay, lugihii ayaa jareeyay oo celin waayay asagiiba. Nasiibna way ka sii socotay ayadoo tallaabo gaareysa asxaabteeda, Bahjo ayaa waxay aragtay Axmed oo socon la� sina u isugu dhex yaacsan kana dambeeya ayagii, wey u soo hartay waxayna weydiisay waxa helay oo uu la dhididayo, wuxuuna u sheegay in uu Nasiib uu u sheegay fariintii uu ayada u soo dhiibay manta, meeshii uu farxad, dabaal deg ama shumis ka sugayay lagu yiri waa kuu kaligaa, asagiina uu jaceyl la�aan iyo xaas la�aan ay isugu darmatay.
Bahjo waxay u yeertay Nasiib ayadoo canaananeysana waxay ku tiri:
Bahjo: Maxaad damacsantahay oo aad ka wadaa waxa aad sameysay?
Nasiib: Aniga ma aan hayo cadeyn ama wax aan uga kalsoonaaddo Axmed arrinta uu ii sheegay

Axmed: (Asagoo is celin la�) oo maxay tahay cadeynta aad raadineyso? Ma adiga Ayaan ku furayay mise adiga Ayaan markhaati ahaan kuugu kaxeysan lahaa, shalay aniga ayaa kuu sheegay oo waad aamintay, manta maxaa jira oo aad igu
aamini la�dahay inlee qofkii shalay kuu shegay unbaan ahaye?
Nasiib:al-xaasil, aniga waxba igama gelin.
Bahjo: (oo xanaaqsan) waad khaldantahay Nasiibey, maxaad Damacday?
Nasiib: Aniga ayaa jecleystay sidaan.

Axmed mar kaliyah ayay xaadu kor u istaagtay, wuxuuna u qaatay inuu riyoonayo waayo kama uusan maleyneyn hadallada noocan ah in ay kasoo baxayaan Nasiib oo uu xaaskiisa daraadeed u furay, asagoo is madax dhaafsan garanna la� meel uu wax ka bilaabo ayaa tixdaan ku soo maaxatay:

�Gabar yahay bukaanka iyo, adaa beeray caashaqa.
�Bartiisa adigaa igu dhigay iyo , boogta igu taalla.
�Basaastiyo adaa iigu wacan, baahidaan qabaye.
�Boholyoow adaa igu riday iyo ciil aan baxaheyne.
�Ballantaanu dhiganay iyo adaa buriyay qowlkiiye.
�Adaa iiga baxay sheekadeenii, baaxada lahayde.
�Bilcantaan qabay iyo markaan, buriyay xaaskeyga.
�Booraan adaa ii qoday iyo, boholo dhaadheere.
�Axdigii adaa buriyay , beenshay wacadkiiye.
�Jaceylkuna birweeyoo kalabixin, aan jabine.
�Waa baaxad wayn yahay haduu, laamo bixiyaaye.
�Badanka iyo haduu galo wadnaha laga biskoon waaye.
�Boodhari sidii uu u dilay waa, bayaan qorane.
�Buda iyo qabriguu la galay, baanna muu heline.
�Aniguna bartii inuu I dhigo yaan , ka baqahayaaye.
�Baad iyo anfaco waan ka tagay, waana baahnahaye.
�Barkin taan ku seexdiyo hurdo, iima baxayaane.
�Bindhaantaada goortaan arkaa, la I badalayaaye.
�Beer ku taallada iyo uurku way, balbalayaane.
�Barta aad ku noo shahay igee, waan bogsanayaaye.

Intaa kadib, Nasiib ayaga oo taagan meeshii ayay ka tagtay, Axmedna asagoo calool xumo la caga jiidaya, tacbaanna ah ayuu gurigiisii iska aaday.

Halkaan ka akhriso:

Q.1aad. Q.2aad . Q.3aad. Q.4aad. Q.5aad. Q-6aad.Q-7aad.Q-8aad.Q-9aad. Q-10aad

Related Items


Leave a comment