Muwaadinka Koowaad, Guulayste, Mudane, Mohamed Abdi Yusuf

Wednesday April 29, 2009 - 10:58:14
0 Comments
10145
Super Admin
Mudane Maxamed cabdi waa siyaasi wadani ah. Dowladii 21 sano ee dhacady 1991 waxa uu wasiir ku xigeen mudadii 18 ee nabanta soomaaliya ayuu u istaagay waxa uu ka qeyb- qaatay shirarkii nabadaynta soomaaliya oo dhan markii laga reebo shirkiikii itoobiyanka iyo TFG burburtay ku qabteen xamar oo ay caalamka rabeen inay ku qaldaan.

Mudanahu waxa uu xilagaas ku jiray halgan siyaasadeedkii lagaga soo horjeeday ciidamadii itobiyanka ee dalka kusoo duulay isagoo markaa xubin ka haa Baarlamaanka xorta ah kahor inta aan la aas aasin urukii dib u xoreynta soomaliya oo uu ka ahaa xubin firfircoon.

 

Shacabka soomaaliyeed waxay ku farxi jireen codkiisa marka ay ka maqlaan BBC intii ay itoobiyanka dalka heysteen oo ay BBC waraysiyo la yeelan jirtay  iyo waliba asgoo la doodi jiray Ragii TFG hogaaminyey oo uu doodo adag lagali jiray, isagoo codkiisa ku difaaci jiray qadiyadii soomaliya xili ay madax badan oo soomaali ah ee ku suganaa dalka gudihiisa ay codkoodii waayeen kadib markii xoriyadoodii ay waayeen ka gadaal qabsashadii itoobiyaanku dalka qabsady. Mudanahu xilagaas waxa shacabka soomaaliyeed ee halganka ku jiray hawada umarin jiray oraahyo dhiiri galin iyo rajo galin ah oo shacabku ay ku farxi jireen codkarnimadiisa iyo wadanimadiisa.

 

Mudanahu waxauu  ka midahaa madaxdii bilowdday heshiiskii ururka dib uxoreynta somaliya iyo TFG dhexmartay, waxa uu ka qayb galay oo ka mid ahaa madaxdii matalaysay uruka dib u xorayta ee ka qaybgalay shirkii ugu horeeyey ee ka dhacay dalka Kenya shirkaas oo mirihiisii ay noqotay in dalka laga xoreeyo itoobiyankii walibana xisbigii uu kamidka ahaa ay talada dalka la wareego.

 

 

Mudane Maxamed cabdi waa xildhibaan iyo wasiirka Howlaha guud iyo guriyenta  ee dowlada midnimada qaran soomnaliya. Waxa uu ahaa xildhibaan kamid ah TFG intaan itoobiyaanku dalka qabsan, Intaa ka horna waxa uu raiisul wasaarihii xukuumadii TNG(carte) ee uu Cabdiqasin madaxda ka ahaa. Shirkii Kenya ee lagu soo dhisay TFG waxa uu hogaaminayay dowladii TNG golaheedii wasiirada waxa uuna xubnihii ugu muhiimsanaa ee ka qaybgalayey shirka oo iyagu lahaa awooda saxiixa heshiiyadii lagaarayey mudadii labada sano aheyd oo ay qaadatay dhismahii dowladii Embagathi lagu soo dhisay, waxa uuna kamid noqday xildhibaanadii 275 ee TFG Isagoo diiday in uu wax xil ah ka qabto dowladii Cabdulaahi yusuf ee dadlka u soo horseeday gumaysiga itobiya

Shirkii carte ee jabuuti lagu qabtay waxa uu ka midnoqday baarlamaankii TNG waxa uuna ku guulaystay doorashadii kuxigeenka 1waad ee baarlamankii TNG. Intaa ka hor waxa uu ka qayb galay shirakii lagu qabtay Kenya, Jabuti, Itobiya, Masar, iyo kuwa kale oo ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo iyagu dhamaantood xal loogu raadinayey muskaldii ka taagneed soomaliya 18 sano lasoo dhaafay.

 

Hadaba maxaa sal u ah guulahaas uu gaaray mudanaha ayaa mudan in la is waydiiyo. Mudanahu maaha qabqable dagaal burburkii soomaliya ka dhacay wax uu ka gaystay majirin. Beesha uu ka dhashay marna ma uusan ka abuurin jabhad u dagaalanta isaga,  dhaqdhaqaaqa iyo siyaasadiisu waxay aheyd mid  ka horeesa, kana mansib iyo magac wanaagsan kuwa jabhadaha iyo isbaarooyinka ku gorgortmayey. Jagooyinka kaliya ee uusan mudanahu qaban waa Raiisul baarlamaan iyo madaexweynaha soomaliya inta kale mid walba waa qabtay.

 

Mudanahu waxa uu dhiiri geliyey muwaadiniin soomaali ah oo farabadan sida kuwa hada ku soo biiray baarlamaanka midnimada waayo waxa si dhab ah u arkeen in soomaaliya siyaasadeeda aad ka qayb qaadan karto oo mansib iyo jagadaad doonto ka qaban karto adigoon warlord noqon. Waxa aad ubaahantahay waa wadaniyad dhab ah, daacadnimo, codkarnimo, hal adeeg, samir iyo geesinimo

 

Mudanahu waa afmaal, hal adeeg iyo daacadnimo ku sifoobay. Xiligii dowladii maxamed siyaad uu madaxda ka ahaa waxa uu ahaa wasiir ku xigeen, Mudo kabadan toban sano wasaarado kalo dawan oo ay  ku jirto mida hada uu ka yahay wasiirka ee howlaha guul iyo guriyeenta. Wax balwad ah malaha waana shaqsi dhaqankiisu aad u suuban yahay oo asxaab badan ku leh bahweynata soomaliyeed qaas ahaan siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, aqoonayahaada, culamudiinka, iyo dhamaan qaybaha bulshada soomaaliyeed.

 

Waxaa diyariyey 

Abdulakrim Warsame
inahersi@hotmail.com

Related Items


Leave a comment