Hogaamiyaha XFS Xamse
Cabdi Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka tiirka xoreynta iyo sugida
amniga, kaasoo looga hadlay howlgalada culus ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Kulanka ayaa la sheegay in lagu
soo bandhigay qorshaha dib u xoreynta deegaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab
iyo sidii loo xasilin lahaa goobaha laga xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada
iyo adeegyadii bulshada oo in mudo ah hortaagnayeen Al-shabaab.
"Ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada
ayaa ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku dhuumaaleysanayeen nabad diidka,
waana muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka”
ayaa lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay Xafiiska Reysul Wasaaraha
Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga
mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya
dadaalada ay ugu jiraan sidii ay u xaqiijin lahaayeen Amniga Bulshada, isagoona
sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’antahay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.
Dhinaca kale raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa
bartiisa Facebook kuso qoray hadal kooban oo u muuqday mid jawaab u ahaa hadalkii
kasoo baxay Afhayeenka shabaab ee ahaa dagaalka dowladda ay iclaamisay iyo
kacdoonka shacab ee ka socda qeybo ka mid ah gobolada dalka.
"Marka Cadaw dagaal lagula jiro waa la
xanuunjiyaa, markuu xanuunsado waxaa lagu gartaa jawaabta uu bixiyo, hadii
jawaabtiisa noqoto mid naf la caari ah, micnaheedu waa cadawga wuu dhintee haka
harina" ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee raysal
wasaare Xamse Cabdi Barre.
Si kastaba ha ahaatee waxaa gobolada Hiiraan,
Galgaduud, Baay iyo Bakool ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada
dowladda oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.
Leave a comment