Taariikhdii Ugaas Geele Mohamed Kaneec

Sunday May 03, 2009 - 09:27:37
0 Comments
7326
Super Admin
Geele Mohamed Kaneec wuxuu ku dhashay degmada Jiriiban sanadku markuu ahaa 1900, wuxuu ku garay deegaan kaas ilaa 12 sano.

Waxaa dilay aabihii  daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xassan .kadib way haajireen isaga iyo qayb kamid ah walalhii  waxayna aadeenn koonfurta Soomaliaya gaar ahaan meel layiraahdo Biriqa Laashuunle, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 8 kamid ah walalihii, kadib wuxuu ku laabtay Xamar halkaas oo uu ku bartay qayb kamid ah waxbarashadiisa.

Wuxuun u shaqayn jiray talyanigii xiligi uu gumaysanyey somaliya  isagoo ahaa turjubaan. Kadib wuxuu aaday Africa garahaan Kenya halkaas oo ka ahaa Darawal wada baabuurta gobolada isaga gooshta. Mudo kadib, wxuu ku soo noqday Somalia gaar ahaan Bariga Somalia wuxuu dagay magalo layiraahdo Xafuun, kadib waa uu kasoo guuray wuxuu soodegay magalada eyl sanadihii 1935 asagoo  halkaas ku bilabay barashada cilmiga  looyaqaan Fiqhiga isagoo sheegay inuu markaas uu iska daayey wixii balwad uu lahaa oo dhan  sida sigarka una bayray xaga diinta.

1937  ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo hogaanka beesha gaar  ahaan Bari, Nugaal iyo Mudug  oo  Xiligaas Abshir Cali Wayrax oday ka ahaa .Waxay ahaayeen niman isku xiran lehna tayo badan waxay si toosa ugu xirnayeyn xaaji diiriye oo talada iyo dhaqaalahaba bixin jiray xiligaas.

Geele Mohamed Allah ha u naxariistee, wuxuu ku hadli jiray dhawr luqadood oo ay kamid ahaayeen, Af-Talyaniga ,Ingiriiska, Carabiga ,Sawaaxiliga .iyo afka soomaliga. kadib mudo Shansano kadib ah waxaa uu usoo guuray uuna soo dagay magalada Garowe 1940 tameyadi halkaas oo uu joogay mudo badan kana ahaa Qaali  kala xukmiya bulshada oo ku kala xukmiya Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Nabigeena Suubana Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.

1943-dii Geele  wuxuu usoo wareegay dhicana dagaanka hadeer looyaqaan Dagmada Burtine oo markaas aan jirin. waxaa la ii sheegay inay daganaayeen isaga iyo nin la oran jiray kahliif xaaji oo ay sxb ahaayeen  tuulada Magacley, waxay ahayeen niman reer magaal ah lakiin waxay lahaayeen reero baadiye iyo xoolo badiye waxay kaloo lahaayeen gaancsi waxayna ku ganacsanjireen tuulooyika. kadib waxay isku afgarteen inay uguuraan meesha hada aytahy magalada Burtinle oo markaa cidla ahayd.  Waxaa meeshaas marijirtay wada baabuurta ee isku xirta Xamar iyo Bosaaso. Waxaa xiligaa Burtinle kadhisnaa  waabab ay ka dhisteen ciidamo Ethiopian ahaa oo wakhtigii ingiriiska halkaa daganaa. 

Geele Mohamed iyo Khaliif Xaaji Markii ay Burtinle dageen waxay kala dageen wadada labadeeda dhinac. waxay ku heshiiyeen in uu mid walba waraabiyo wixii dad ah oo kayimaada dhinaca uu wadada ka xigo. sidaas aya waxaa ku asaasantay magalada Burtinle .

Geele Mohamed Allah ha unaxariistee halkaas ayuu kasii ahaa Qaaliga ku kala xukuma dadka diinta islamka wuxuu kalooo ahaa xubinta ugu saraysa oo wax laga weydiiyo magalada dawadihii jiray dhamntood.

Geele waxa uu kamid ahaa culimada  fiqhiga looga danbeeyo gobolada soomaliya markaas. Wuxuu haystay kutub aan markaas soomaliya oolin  kuwaas oo laga dhaxaly qaarkood Fiqi Idris iyo Xaaji Yuusuf. Kutubtaas waxaa kamid ahaa kitaab la oarnjiray CAARRE oo uu qoray Xaaji Yuusuf.  Kutubtaas waxaa lagu qaoray badankooda gacanta waxaana ku dahaarnaa oo gal u haa harag xoolaad. 1970 tanaadkii waxaa u yimid culumo Fiqiga ku xeel dheeraa oo Masaari ah waxayna wax qorqorteen qayb kamid ah Kutubta oo ay Culimadii hore ee beesha YD qoreen. Dhamaan kutubtaas qaarkood waxaa sii dhaxlay oo hada hayya Ugaas Cumar geele Mohamed.
 
Geele Mohamed Kaneec Allah ha u naxariistee  waxaa uu geeriyoday 1983 markas oo ahaa 83jir wuxuuna ku geriyooday  lagauna aasay Magalada Burtinle.

F.G. waxaan ka cudur daaranaynaa in aan soo daabacno taariikhda Geele Mohamed Kaneec oo aan wali dhamays tirnayn maadaama aad iyo aad naloo waydiiyey in aan soo daabacno. Insha Allah ayadoo dhamaystirin  ayaan idin gudbin doonaa  Dhawaan.

Abdullahi Mohamed

Xaarxaar Online

Head Office Boston, Mass USA

Maamulka@xaarxaar.com

 

Related Items


Leave a comment