Thierry Henry iyo Madaxwaynaha France Nicolas Sarkozy oo kulan ku leh Paris.

Tuesday June 29, 2010 - 21:01:16
0 Comments
3870
Super Admin
Madaxwaynaha dalka Fransiiska President Nicolas Sarkozy ayaa maanta wadahadalo kula leh xafiiskiisa ciyaaryahanka Thierry Henry, si ay uga wada xaajoodaan fashilka ku dhacay xulka Qaranka France ee cayaaraha Aduunka 2010.

Xulka France ayaa shalayto gabi ahaanba boorsoyinkooda ka soo laalaabtey dalka South Afrika uu kaga qayb galayay cayaaraha aduunka, kadib markii dalka South Afrika ciyaartii ugu dambaysay kaga badiyeen 2 goal iyo 1 goal, taasoo ka dhigaysa in xulka France inuu kaalinta ugu hooseysa ka galo jiiroonigiisa A.

France  xulkiisa kubadda cagta ayaa ku dhamaystey intuu joogay dalka South Africa dagaal iyo mudaharaad ka dhax dilaacay  gudaha kooxdooda kadib markii ciyaaryahanka caanka  Anelka uu aflagaado u gaystey macalinka xulka France  Raymond Domenech, kadib markii ay isku qabteen qaabka xulka ku dheelayaan kadibna waxaa dhacday xiriirka kubadda cagta Fransiiska iyagoo cidina kale tashanin ay go’aansadeen inay Anelka ka eryaan xulka, tasoo jawaabteedu noqotey in ciyaarayahanada xulka France oo dhami qaadacaan tababarkii islamarkaana go’aansadeen inaysan la shaqaynin Xiriirka Kubadda cagta dalkooda iyo macalinkooda, ugu dambayntiina waxaa gacmaha iskula tagay kabtanka xulka France Evre iyo macalinka jirdhiska kooxda kadib markii murankii socday uu u gudbiyay saxaafada ay ku eedeyeen macalinka jirdhiska, taasoo keentey in FFF warkaas iyagoo jaraa’idka ka xiganaya tilaabo aan loo dhamayn ka qaatey ciyaaryahanka Anelka, kaasoo taageero balaaran ka haysta ciyaaryahanada kooxda

Sida uu sheegay afhayeenka madaxwaynaha dalka Fransiiska  Luc Chatel ciyaarahan Henry ayaa ka soo wacay dalka South Afrika xafiiska Madaxwaynaha  Sarkozy, islamarkaana codsaday inuu si deg deg ah uu ula kulmo Sarkozy  marka  uu soo noqdaan.

Madaxweyne Nicolas Sarkozy ayaa shalayto shir gudoomiyay fadhi aan caadi ahayn oo looga hadlayay qalaalasaha xulka France soo foodsaarey dhaxdooda  intuu u socday  koobka Aduunka South Afrika,  kadib markii ay u kale jabeen 3 jinaax,ciyaaryahanada oo dhinac ah iyo macalinka / FFF  oo dhinac ah. Kulankaas waxaa ka soo qayb galay  Raisal wasaaraha France Francois Fillon, Wasiirka  Sports Roselyne Bachelot, Wasiir ku xigeenka Sports Rama Yade, laakinse saxaafada looma soo bandhigin waxyaabihii wadahaladooda ka soo baxay.

Xulka France waxay dib ugu soo laabteen dalkooda iyagoo fadeexad weyn hareysay islamarkaana cambaareyn kale kulmaya dadka Fransiiska, kadib markii ay natiijo aad u hooseysa kale soo laabteen ciyaaraha aduunka, islamarkaana sameeyay  shaqo joojin , dhagaysana macalinkooda iyo xiriirka kubadda cagta France, kadib markii isku khilaafeen waxyaabo badan oo aan saxaafada laga qariyay, laakinse ciyaaryahanka Anelka ayaa aflagaado aad u xun u gaystey macalinka ku fashilmey inuu maareeyo xulka France.

Gudoomiyaha France Football Federation  Mr Jean –Pierre Escallettes ayaa ka  dhawaajiyay in bisha soo socoto lagu samayn doono baaritaan weyn sababaha xulka France ku keenay inuu fashilmo iyo cida ka dambaysa ee qaadaysa masuuliyada darada ka dhacday dalka South Afrika.

 ‘’Qof walbo waxa uu hor imaan doonaa  maxkamada Federal Council-ka, sida Gudoomiyaha, Ciyaartooyda , Macalinka, Taqaatiirta kooxda si loo arko qofka qaadayo masuuliyad daradaas weyn , waxaa dhici doono ganaaxyo, laakinse hada ka hor dhici maayo go’aamada  waayo maxkamada ayaa go’aansan doonta, aniga 50 sanadood ayaa ku soo dhax jirey kubadda cagta  France, aad iyo aad ayaan uga xumahay waxa dhacay sida runta ah  madaama uusan arinkaan oo kale na soo marin  ayuu yiri Jean Pierre Escallettes.

Docda kale ciyaaryahanka weerarka uga dheela kooxda Chelsea iyo xulka France Florent Malouda ayaa raaligalin ka siiyay taageerayaasha Faransiiska guuldarada xulka Qaranka la soo gudboonaatey iyo ismarin waaga hareeyay, ma ku faraxsanin dhamaanteen waxaan samayney, mana naqaan waxaan samayno si aad nooga saamaxdaan qaladkaan samaynay waayo waxaa jirey xiisad aad u weyn oo aan ku fiicnayn  diyaargaroowga ciyaaraha muhiimka ah ayuu yiri isagoo ku hadlaya   dhamaan magaca ciyaartooyda xulka Qaranka France.


W/D: Yusuf Yusuf

Sports editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment