Xaflad lagu caleemo sareeyay Gudiga Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Somaliyeed UK oo lagu qabtey London.

Wednesday October 27, 2010 - 19:28:13
0 Comments
2794
Super Admin
LONDON 27/10/2010: Xaflad si weyn loo soo agaasimey islamarkaana lagu caleemo sarayey Gudiga Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee United Kingdom ayaa lagu qabtey Masti Banqueting oo ku yaal Galbeedka magaalada London.

LONDON 27/10/2010: Xaflad si weyn loo soo agaasimey islamarkaana lagu caleemo sarayey Gudiga Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee United Kingdom ayaa lagu qabtey Masti Banqueting oo ku yaal Galbeedka magaalada London.

Waxaa xaflada ka soo qayb galey marti sharaf si weyn looga yaqaan magaalada London, kuwaasoo ka koobnaa Odayaasha Isboortiga, madaxda jaaliyada Soomaalida UK, culumaa’udiin, Ciyaartooydii barismaadkii Soomaaliya, dhalinyarada isboortiga, Haweenka , Fanaaniin iyo bahda saxaafada.

Waxaana meesha ka hadley maamulka sare ee Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga sida Ku xigeenka gudoomiyaha mudane C/qaadir Xuseen Bootaan ‘’Isoomareey’’, kasoo ku soo dhaweeyay martida ka soo qayb gashey munaasabada caleemo saarka ururka, kadibna waxaa uu ku soo dhaweeyay codbaahiyaha gudoomiyaha gudiga ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga dalkaan mudane Gudoomiye Axmednuur Maxamed Xaashi ‘’Sayga Ruushka’’ kasoo qudbadiisa ku bilaabey hadalo kaftan ah oo aan ka xusi karo, waxaan idin sheegayaa in maanta aan ugu talagaley xafladatan inaan qudbadeyda aan ka aqriyo iyadoo qoraal ah si waxa caawa halkaan uga hadley inuu noqoto mid taariikhi ah oo la igula xisaabtamo sax iyo qalad mustaqbalka waxaan ka sheego xaflada caleemo saarka, ururkan waxaan u dhisney inaan isku baadi goobno dhamaan ururada isboortiga ee ka dhisan dalkaan oo dhan iyo dadka muhiimka u ah isboortiga, kadibna mudo lixbood gudahood aan ku soo diyaarino sharcigii iyo xubnihii dhisi lahaa dal weyn oo ay yeeshaan dhamaan ururada Isboortiga, anaga hada maamulka si iska wax u qabso ah ayaan ku wadnaa, waxaana doonaynaa inaan ku wareejino maamulka cusub ee lagu doorto shirwaynaha Isboortiga ee soo socda.

Kadibna waxaa halkaasi heeso qiimo badan oo aad loogu raaxeysanayey ka qaaday fanaaninta wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ka midka ah kooxda Qeylodhaan sida Abwaanka Xuseen Shire Jama ‘’Ciyaar jecel’’ fanaanada Shamso Maxamed Foot, Fanaanka Adam Mandela iyo Fanaanka King Khalid oo ka mid ah fanaaninta Soomaaliyeed ee degan magaalada London, waxaa isna gabey lagu cabiraayo halka u yaalo Isboortiga Soomaaliya ka jeediyay Axmed Cabdalla Tigaana oo ka socdey bahda isboortiga xaafada South Hall.

Waxaa iyana meesha ka hadley qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb galey, kuwasoo hadalo taageero iyo dardaaranba leh u jeediyay gudiga cusub ee mideynta qurbajoogta isboortiga , dadkii halkaas ka hadley waxay kale ahaayeen: Eng Abba, Mudane Masuul Sare, Mudane Yasiin Bulsho, Mudane Xaaji Ciise ‘’Dhumaaye’’ oo ka socdey xaafada Waqooyiga magaalada London iyo Musikiistahii Hobalada Qaranka Waabari mudane Maxamed Macalow oo ka socdey xaafada Bariga magaalada London.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida UK & Xiriirka labada dal mudane Cabdulqaadir Aaden Cali ‘’Dhuub’’ iyo ku xigeenkiisa ahna afhayeenka Jaaliyada mudane Cabdi Cumar Cali ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galey xaflada, kuwasoo meesha ka sheegay inay aad taageersan yihiin, islamarkaana ay soo dhewaynayaan gudiga cusub.

Waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaadooyin Universal TV,Somalichannel, SSPAMEDIA, Xafiiska Jaaliyada, fanaaniinta iyo wakiilada ka socdey xaafadaha magaalada London.

Waxaana barnaamijka si wanaagsan u xiriirinayey mudane Aweys iyo Cabdinaasir Sola, ugu dambeyntiina waxaa halkaasi lagu gudoonsiyay ubaxyo taageero ah Gudoomiye Sayga iyo ku xigeenkiisa Isoomareey

Xafladiina waxay ku soo dhamaatey farxad guul iyo reyn reyn, waxaa maamulka cusub looga fadhiyaa inuu meel iskugu wada keeno dhamaan ururada isboortiga dalkaan ka dhisan, kuwaasoo u baahan dalad weyn oo ay yeeshaan Qurbajoogta Soomaaliyeed .



W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

LONDON

Related Items


Leave a comment