Kooxaha Old boys Manchester iyo Ciyaaryahanadii hore oo loogu qabtey ciyaar saaxiibtinimo magaalada Manchester

Saturday October 30, 2010 - 20:35:53
0 Comments
2443
Super Admin
Waxaa todobaadkii hore lagu qabtey duleedka magaalada Manchester ciyaar saaxiibtinimo iyo marti qaad lagu martiqaadey ururka ciyaartooydii hore ee ka dhisan magaalada London (SSAUK), kuwaasoo ciyaar saaxiibtinimo oo kubadda cagta ah ku dhexmartey kooxda Old Boys iyo kooxdooda, ciyaartaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne fara badan oo jecel isboortiga oo degan magaalada Manchester iyo Bolton ayaa waxay ku soo dhamaatey baratankii barbar dhac kadib markii koox walbo ay dhalisay min afar Goal (4 VS 4).

Markii ay ciyaarta soo dhamaatey gudiga soo qabanqaabiyay ciyaarta saaxiibtinimo iyo booqashada ciyaaryahanadii hore ayaa waxay xaflad casho sharaf ah ugu qabteen maqaayad weyn oo ku taal bartamaha magaalada Manchester, taasoo lagu gudoonsiiyey abaalmarino loogu talagaley ka soo qayb galayaashii barnaamijka Manchester, waxaana lagu sharfey inay bixiyaan mudanayaasha kale ah Col: Shariif Zeeno, Col:Maxamed Ibrahim, Chairman Cabdulqadir iyo Sheikh Salad

Xaflada waxaa soo qaban qabanqaabiyay gudoomiyaha jaaliyada isboortiga Soomaalida ee magaalada Manchester ciyaaryahan hore Mudane Axmed Bishaar Sheegoow, Ku xigeenka Ciyaaryahan hore Mudane Xuseen Xuska, Gudoomiyaha WPSC Mudane Fu’aad Osman iyo Garsoore Calaami mudane Cabdulqaadir Maxamed Ibrahim ‘’Caddaay’’.

Waxaa ka soo qayb galey ciyaarta iyo xafladaba ciyaartooyda kale ah: Kabtan Biikey,Xuska, Shegoow, Cabdixakiim Dheere, Axmed Bile, Shidane, Maxamud Ismaaciil,Zakariye Baliile,Faaqid,Biriq,Hassan Ataroos,Bile Cali iyo laacibka weyn Muriidi Abanuur Abati (Maradonihii Soomaaliya).

Waxaa kale halkaasi shahaadooyin loogu magac darey qoraaga isboortiga sanadka iyo wariyaha isboortiga sanadka lagu gudoonsiiyey mudane Cabdi Naasir Ismaaciil ‘’Sola’’ oo ka socdey Universal TV & Yusuf Yusuf oo ka socdey SSPAMEDIA, abaalmarintaas oo ay isla garteen jaaliyada Isboortiga magaalada Manchester.

Jaaliyada Isboortiga magaalada Manchester ayaa oran karaa jaaliyad ku dayasho mudan islamarkaana wax muuqda oo la taaban kara u haya caruurta, dhalinyarada iyo dhalinta cuslaatey ee Soomaaliyeed ee degan magaalada Manchester, waxaana u rajeynayaa howsha ay hayaan inay noqoto mid miraheeda la gurtomustaqbalka insha Allah.




W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

Manchester

Related Items


Leave a comment