Chelsea iyo Arsenal oo nadiif ku badisay iyo MAN U oo muran ku badisay.

Sunday October 31, 2010 - 19:27:44
0 Comments
2298
Super Admin
LONDON:- Kooxda Hogaanka u heesa Horyaalka Ingiriiska ee Chelsea ayaa ku badisay 2-1 oo ay kaga adkaatay kooxda Blackburn Rovers .

Chelsea haatan waxa ay ku hogaamineesaa Horyaalka 25 dhibac oo ay ku heshay 10 Kulan , 5 dhibac oo nadiif ah waxa ay ka sareysaa Arsenal halka ay Man United iyo Man City ay ka sareso 8 dhibac .

Dhanka kale Kooxda Arsenal ayaa waxa ay ka adkaatay kooxda West Ham United 1-0 , kadib gool qorax badan oo uu madaxa ku dhaliyayn xidiga qadka dhexe uga ciyaara Arsenal Alex Song's Daqiiqadii 88 ee ciyarta .

Ciyaarta muranka dhalisay Xalay waxa ay dhexmartay kooxaha kala ah Manchester United iyo Tottenham taasi oo ku dhamaatay 2-0oo ay ku adkaatay Man Utited .

Kooxda Tottanham ayaa xalay waxa ay ciyaarta la soo gashay Dardar xoogan oo ay dadka qaar u qaateen in ay ku badin doonto guriga Man United .
Tottenham kuma badin Guriga Man United Old Trafford mudo kor u dhaafeesa 20 sano sidaa daraateeda xalay waxa ay dooneesay in ay badiso laakiin waxaa ka diiday laacibiinta uu ka mid yahay Nani

Goolasha ay dhalisay Man United waxaa furay Daafaceeda dhanka danbe ninka lagu magacaabo Nemanja Vidic's daqiiqadii 31 qeybta hore ee ciyaarta .

Laakiin ciyaarta oo ka harsan 6 daqiiqo kaliya ayaa waxaa gool dhaliyay Nani kaasi oo u ekaa mid qaldan kadib markii loo diiday Nani in loo dhigo Gool ku laad .

Nani oo dhexyaala diilinta 18 ayaa waxa uu arkay ciyaarta in ay socoto taasi oo ku qasabtay in uu dhaliyo gool oo u arkay in ay fursad u tahay kooxdiisa .
Marka uu dhaliyay Nani Goolka waxaa diiday Calan-Wadaha laakiin laakiin daqiiqad kadib waxaa ku hishiiyay in ay Gool tahay Garsooraha iyo calanwadaha .

" Nani waxa uu arkay balooni yaala Diilinta 18 taasi oo fursad fecan aheed waxa uu dib u Eegay Garsooraha kaasi oo u sheegay Nani in ay Socoto ciyaarta ,asigana wuu dhaliyay Goosha " Alex Ferguson oo la hadlay TV ESPN.

Laakiin murankaasi waxa uu ku soo idlaaday guul ay gaartay Man United iyo guul daro dusha loo saariyay Tottenham .

Notes: hadana waxaan rajaynaynaa inaan ku soo darno video oo ah ciyaarihiii dhacay week-gaas si aad noola daawataan ciyaaraha xiisaha leh..

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment