Wilshare oo qandaraas dheer u saxiixay kooxdiisa Arsenal.

Tuesday November 02, 2010 - 18:43:33
0 Comments
2159
Super Admin
Jack Wilshere ayaa u saxiixay hishiis cusub oo uu ku kordhinayo kan uu kula jiray naadiga Arsenal,Xidigaan Jack Wilshere wuxu u ciyaaray Arsenal 12 jeer isagoo hal gool dhaliyay.

Wilshere oo 18 jir ah,ayaa ku sugan kooxda Arsenal tan iyo 9 jirkiisa wuxuuna markii ugu horeysay u ciyaaray bishii September 2008 isagoo 16 jir ah.

Jack Wilshere wuxuu sanadkii lasoo dhaafay si amah ah ugu ciyaarayay naadiga Bolton laakin wuxu dib ugu soo laabtay Arsenal kadib ciyaaro wanaagsan u kazoo bandhigay ciyaaro wanagsan isagoo xulka Ingiriiska u ciyaaray bishii August ee sanadkaan.

Wilshere ayaa noqtay xidigii ugu yaraa ee naadiga Arsenal u ciyaaray horyalka ingiriska iyo tartanka yurub iyo FA Cup.

Jack Wilshere,ayaa kulankiisa ugu horeeyay ee xulak Ingiriska u ciyaaray ciyaar saaxibtinimo oo England iyo Hungary dhexmarayay,wuxuuna badal kusoo galay daqiiqadii 82-aad isagoo lagu badalay Steven Gerrard.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment