Galmudug: Madaxwaynaha Maamulka Gal-mudug oo gaaray Gali-soor

Saturday November 06, 2010 - 18:24:47
0 Comments
2821
Super Admin

Madaxwaynaha Maamulka Gal-mudug oo gaaray Gali-soor si uu uga Xalinta Dagaalada Gobolka Gal-gaduud.Kulamo u dhexeeya madaxda sare maamulka goboleedka Galmudud ee goobolka mudug iyo odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha degmada Gelinsoor iyo deegaanada kale ee ka agdhow ayaa waxay ka soconayaan gudaha degaanka gelin soor.

kulamadan ayaa waxay imanayaan ka dib markii saaka wafdi sare oo uu horkacayo Madaxweynaha Galmudug ay deegaankaasi tageen halkaas oo ay u tageen arimo ku aadan xalinta qilaafaad beeleedyada halkaasi ka jira, iyadoona kulamada uu la yeelanayo madaxweynaha qeybaha kaladuwan ee odayaasha deegaankaasi ay ku aadan yihiin arimaha khilaafyada taagan.

Madaxweynaha Galmudug maxamed Maxamuud Caalin saxaafada kula hadlay degmada Gelinsoor ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada uu uyimid deegaanka ay tahay qaabkii loo xalin lahaa qilaafyada dhaliyay dagaalo ay dad badani ku dhintaan ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanka.

Waxaa uu madaxweynaha sidoo kale tacsi u diray dadkii dadkoodu ay ku dhinteen dagaaladii dhacay isagoona sheegay in aan loo baahneyn dagaalo kale oo deegaanka laga oogo islamarkaana ugu baaqay in nabadda lawada qaato.

Hadii aanu ku soo laabano kulamadii maanta halkaasi uu madaxweynaha kula yeeshay degmada gelinsoor ayaa waxaa ka mid ahaa masuulka ugu sareeya maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiic, isagoona sheegay in ay arintaasi tahay mid aad loogu farxo islamarkaana uu dhankiisa ku baaqayo in is afgarad laga gaaro khilaafaadyada jira.

Si kastaba ha ahaatee mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa laga dareemayay gobolada galgaduud iyo Mudug dagaalo ay isku qaadayaan beelo walaalo ah oo halkaasi ku wada dhaqan kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Waxaa sidoo kale jiray baaqyo kala duwan oo ka soo kala baxaya Masuuliyiinta Dowlada KMG ah ee Soomaaliya, waxgaradka iyo masuuliyiinta Maamul goboleedyada dalka siiba kan gobolka Mudug ee Galmudug iyagoo ugu baaqayay in dagaalada la joojiyo islamarkaana la qaato nabad iyo isafgarad.

Related Items


Leave a comment