Maxamed Dheere “ Xukuumadaani waa Tajaabadii Shariif socona meyso”

Friday November 19, 2010 - 10:48:00
0 Comments
2076
Super Admin
muqdisho: Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ee dowlada KMG oo wareeysi siiyay idaacada Shabelle ayaa waxa uu dhaliilay Xukuumada Cusub ee Ra'iisul wasaare Farmaajo iyo golihii wasiirada ee dhawaan uu soo magacaabay.

Maxamed Dheere ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wasiirada xukuumadiisa cusub in ay yihiin kuwa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu ku tijaabinayo in ay wax ka qabtaan xaaladda dalka ka jirta hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in aysan waxba ka qaban karin horeyna ay u soo fashilmeen xukuumado sidaan oo kale ah oo ay soo magacaabeen dowladihii hore ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.


“Kelmad laga haayo Aadan Cadde isagoo barlamanka la hadlayay ayaa jirtay taasi oo aheeyd habar iisho hadii aan soo magacaabo wey idin xakumee, marka waxaan u maleynaa Sheekh Shariif in kuwaani oo dalka ku tijaabinayo in ay xakumi karaan iyo in kale, aniguna u melyn mayo kuwaani kuwa dalka Xakumi kara inay yihiin, hadda ka horna kuwaan oo kale waxaa soo magacaabay Max’ed Siyaad Barre waana laga shirbay” ayuu yiri Max’ed Dheere.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ee dowlada Maxamed Cumar Xabeeb waxa uu tibaaxay in loo baahanyahay dad sharaf leh sida uu tilmaamay oo wadanka hogaamin kara, isagoo Xusay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirada Cusub oo ka taliya dalka ay ka horeyso inay soo ansixiyaan Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya.

Hadalka duqii hore ee Magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (M. Dheere) ayaa u muuqda mid daba socda eedeymo loo soo jeediyay Wasiirada Cusub ee Ra’iisul wasaare Farmaajo, kuwaasi oo lagu tiriyay inay yihiin kuwa inta badan aan waxba ka qaban karin xaaladda Soomaaliya, waxaana hadalkiisu uu imaanayaa xili shalay uu Ra’iisul wasaaraha dowlada KMG uu magacaabay 9 wasiir dowle iyo 18 wasiir ku xigeen.

Related Items


Leave a comment