Minority Rights Group International oo soo saartay warbixin ku saabsan dadka laga badan yahay ee somalia

Thursday November 25, 2010 - 17:03:17
0 Comments
2490
Super Admin
Minority Rights Group International oo soo saartay warbixin ku saabsan dadka laga badaniyo yahay xaalada ay ku sugan yihiin noloshooda ee somalia

Hay’ad u doodda xuquuqda dadka laga tirada badan yahay oo lagu magacaabo Minority Rights Group International ayaa soo saartay warbixin dheer oo ku aaddan dhibaatada dalka Soomaaliya ku heysata dadka laga tirada badan yahay ee u dhashay waddanka.

Warbixintaan oo ka kooban 44 bog, oo laga soo aruuriyay gudaha dalka ayaa si weyn uga hadashay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Hareeraha Wabiyada iyo Xeebaha dalka oo la tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu badan oo aan helin xuquuqdooda sida ay sheegtay warbixintu.

Guddoomiyaha ururka Somali Minority Rights And Aid Forum Maxamed Xasan Daryeel oo waresi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in warbixintaan diiradda lagu saaray xaalado iyo xog dhab ah oo ka taagan dalka, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin dhinacyo kala duwan oo ka jira dalka, ayadoo dadkaani aysan Dhaqaale ahaan iyo waliba caafimaad ahaanba la mid ahayn dadka kale.

Beelaha Qaar ayaa magacyadooda lagu xusay warbixinta oo uu qoray Martin Hill oo ka tirsan hay’adda Minority Rights Group Intrenational, waxayna warbixintu dhaleeceysay Kooxaha ka dagaallama dalka oo dhibaato ku haya dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa laga tirada badan yahay.

Related Items


Leave a comment