War Deg deg ah oo Hada Na Soo Gaaray

Sunday November 28, 2010 - 22:54:10
0 Comments
2041
Super Admin
Madaxweynaha waddanka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa maanta booqasho kedis ah ku tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Madaxweyne, Museveni ayaa markii uu tagay magaalada Muqdisho waxa uu la kulmay Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha dowladda ku meel gaarka.

Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho, ayaaBurtinletimes u xaqiijiyay booqashada madaxweynaha Uganda uu magaalada ku yimid, iyo kulanka uu la qaatay madaxweyne Shariif Shiikh Axmed iyo Ra'iisal wasaaraha, Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Wax faahfaahin ah oo dheeraad ah lagama bixin kulanka Madaxweynaha Uganda iyo madaxda dowladda KMG aha ee Soomaaliya.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidanka ugu badan ee Midowga Afrika u direen dalka Soomaaliya si ay u taageeraan dowladda ku meel gaarka oo dagaallo xoog leh ay kala dhexeeyaan kooxaha mucaaradka islaamiga ah, al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah waxay dhiirri gelin u noqon kartaa xukuumadda cusub ee shalay oo keliya uu baarlamaanku ansixiyay kaddib markii muddo la isku khilaafsanaa.

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment