Buurhakaba: Maamulka xisbul islam ee buur hakaba oo ku biiray Alshbaab

Thursday December 02, 2010 - 09:21:11
0 Comments
1430
Super Admin
Xarakada Xisbul islaam ee Deegaanada Buurhakaba ayaa cadaysay in ay ku biireen Xarakada Shabaab al mujaahidiin ee ay gacanta ugu jiro gobolada Koonfurta iyo kuwa dhexe gaar ahaan Gabalka Bay

Adam Xasan Maxamed oo ah madaxii maamulka degmada Buurhakaba ee ururka Xisbul Islaam ayaa si rasmi ah u cadeeyey inay ka goosteen Xisbiga kuna biireen Shabaab, iyadoo wararku sheegayaan in shaley iska horimaad u dhexeeya Shabaab iyo Xisbiga uu ka dhacay degmada Buurhakaba.

Madaxa maamulka Xisbul Islaam ayaa sheegay in sababta ay ugu biireen Shabaab ay tahay iyagoo dareemay baahida loo qabo inayu midoobaan labada dhinac xiligan oo dagaalo adag kula jiraan DKMG iyo ciidamada Amisom.

Sidoo kale taliyihii ciidanka Xisbul Islaam ee degmada Buurhakaba oo ka hadlay kuu biirista ayaa isaguna ugu baqay dhamaan saraakiisha kale ee Xisbul Islaam inay isu dhiibaan xarakada Shabaab oo awood ahaan iyo ciidan ahaanba ka xoog badan Xisbiga.

Hadalkan ka soo yeeray maamulkii Xisbul Islaam ee Buurhakaba ayaa ku soo beegmay iyadoo shaley subax dagaal xoogan uu labada dhinac ku dhexmaray degmada Buurhakaba ka dib markii labadadhinac ay isku qabteen goob isbaaro u tiilay Xisbiga oo ku taala Buurhakaba oo ay Shabaabku amreen in la joojiyo.

Lama oga sida arintan uga hadli doono Xasan Daahir Aweys oo ah sarksalka hogaamiya kooxda Xisbiga oo ay muuqato inuu aad u tabardareynayey beryahan dambe.

Related Items


Leave a comment