Mugdisho: Dagalada Muqdisho oo sii xoogaysanaya waqti ay degano kale ka socdaan Dagaaldu

Thursday December 02, 2010 - 18:18:28
0 Comments
972
Super Admin
Dagalada Muqdisho oo sii xoogaysanaya waqti ay degano kale ka socdaan Dagaaldu asaga oo ay sii badnayso dhimashada dadka rayidka ah

Dagaaladaan ayaa maanta waxa ay ka dhaceen deegaanada kuyaala waqooyiga magaalada Muqdisho waxa ayna u dhaxeeyeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba xoogaga hubeesan ee ka soo horjeeda.

Dagaalada ayaa waxaa bar bar socday madaafiic xoogan oo lagu garaacay xaafadaha magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaan ayaa waxa ay ka dhacaysay fariisimaha ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Dagaalada iyo duqaymahaan ayaa waxa ay geesteen khasaaro soo gaaray dad shacabka ah oo aan waxba galabsan waxaana inta la ogyahay ku geeriyooday ilaa iyo 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa waxa ay ahaa yeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ay madaafiicdu ugu tagtay qaybo kala duwan oo magaalada ka tirsan.

Related Items


Leave a comment