Kenya: Qarax ka dhacay Xafada Islii oo Akari ku dhintay mid kalana ku dhaawacmay

Friday December 03, 2010 - 18:54:32
0 Comments
692
Super Admin
Qarax ka dhacay Xafada Islii ee magalada Nairobi ee somalidu u badan tahay ayaa hal Akari ku dhintay mid kalana ku dhaawacmay ka dib markii qarax qabsaday gaari ay wateen
Gariga ayaa marayay xaafada Islii ee soomaalida ku badan tahay, lamana garanayo in qaraxa uu ka dhashay wax lagu tuuray ama uu yahay mid gudaha gaariga ka dhashay .

Booliska ayaa haatan bilaabay baaritaan lagu ogaanayo qaraxa in uu gariga ka dhex dhacay oo uu ka dhashay ama uu yahay wax banaanka kaga yamid.

Dad goob joogayaal ayaa ku waramay in ay u badaniyaan in qaraxa gudaha gaariga uu ka dhacay, iyadoo ayna xuseen in marka ay dhawaqa maqlayeen u qaateen in cagta ay ka qaraxday gaariga .

Ma jiraan dad la qab-qabtay ka dib shilkaan ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nayrobi .

Booliska ayaa ku waramay in ay bilaabeen baritaan natiijadana ay gadaal ka soo gudbinayaa

Related Items


Leave a comment