Xusus: Maalinta Murugada 3-DecHotel Shamow Muqdisho

Friday December 03, 2010 - 19:00:34
0 Comments
2831
Super Admin
03 Dec, 2009ki, waxaa hotel Shamow ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax weyn oo lagu dilay arday, dhaqaatiir iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddii hore ee Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda dhamaan tooda ahaa waxtarka umada Somaliyeed

Qaraxaas, oo uu fuliyay nin la rumeysan yahay inuu ka yimid dalk Denmark oo xiriir la leh kooxaha hubeysan, ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 30-qof oo ay k jiraan afar wasiir oo ka tirsan xukuumaddii iscasishay ee Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke.

Wasiirrada lagu lagu dilay qaraxaas, ayaa waxay kala ahaayeen; wasiirkii waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeen, wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow, wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo wasiirkii dhallinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble oo u dhintay sannadkan horraantiisa dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxaas.

Xafladda, qaraxa lala beegsaday ayaa waxay ahayd mid ay ku qalinjabinayeen arday wax ka bartay jaamacadda Banaadir, waxayna barteen cilmiyada kambiyuutarka, dhaqaalaha iyo arday barta cilmiga caafimaadka, kuwaasoo ahaa kuwii ugu badnaa ee ku dhintay qaraxa.

Qaraxaas, ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dhaqaatiir uu ka mid yahay hormuudkii jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid), waxaana dhaawacyo isugu jiray kuwo halis ah ay kasoo gaareen dhaqaatiir kale oo qaarkood weli ku jira isbitaallo ku yaalla dalka Saudi Arabia.

Sidoo kale, qaraxaas oo ahaa mid murugo xooggan kaga tagay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ku dhintay suxufiyiin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaadihii telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in qaraxaas uusan cabsi gelin doonin, ayna sii wadayaan howlahooda, isagoo sheegay in qaraxaas uusan ahayn midka keliya ee lala beegsaday xubno ka tirsan dowaldda, balse uu ka horreeya qarax ka dhacay Baladweyne oo lagu dilay 70-qof oo ay ku jireen wasiirkii amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariin Laqanyo.

Waalidiinta dhalay, ardaydii lagu dilay qaraxaas, ayaa iyaguna dareenkooda muujiya, iyado qaarkood ay sheegeen in lagu dilay qaraxaas caruurtooda oo ay dhibaato kusoo koriyeen waxna ku bareen, si ay u anfacaan naftooda, dadkooda, dalkooda iyo waalidiintood.

Mas’uuliyiin kala duwan oo horay Soomaaliya xilal muhiim ah uga soo qabtay iyo shacab ku nool dalka dibadiisa ayaa iyaguna cambaareeyay qaraxaas, waxayna ku tilmaameen mid aan horay looga arag, laguna doonayo in lagu naafeeyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa waxbartay

Related Items


Leave a comment