Galkacyo: Waftiga DKMG ee Nabadaynta Galkacyo oo rajo wanagsan ka muujiyey Nabadayta

Saturday December 11, 2010 - 11:11:24
0 Comments
1856
Super Admin
Guddigii nabadda ee dawlada kmg ahi u soo direen magaalada galkacayo ee gobolka mudug oo ka warbixiyey hawlaha nabad galyo ee ay ka wadaan gobolkaasi ayaa sheegey inay aad ugu rajo weyn yihiin in dhibaatada gobolkaasi ka jirta soo afmeeraan.
Masuuliyiinta dawlada kmg ahi soo dirtey ayaa sheegey inay kulamo muhiim ah la qateen beelaha walalaha ah ee ku dhaqan gobolka mudug,waxaana ay guddigu sheegeen in si heer sare ah ay labada beelood u soo dhaweyeen.

Cabdi Cawaale Qaybdiid oo ka mid ah guddigas kana hadlay meesha wax u marayaan ayaa daboolka ka qaadey in labada beelood ay si wanaagsan u soo dhaweyeen isla markaasna diyaar u yihiin nabadda & horumarka gobolka.

Cawaale waxaa uu shaaca ka qaadey in dhamaan dadka ku dhaqan gobolka mudug ay nabaddu dan u tahay isla markaasna doonayaan inay si walaaltinimo & horumar leh ku wada nooladaan.

Waxaa uu sheegey inay rajo aad u wanaagsan ka qabaan in colaadaha halkaas ka aloosan sida ugu dhaqsaha badan loo soo afmeero maadama ay dalku xaalad xasaasi ah ku jiro

Related Items


Leave a comment