Swedan: Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Sweden

Sunday December 12, 2010 - 09:45:33
0 Comments
1032
Super Admin
Qaraxyo ismiidamin ah ayaa dhacay wadanka Sweden Caasumadisa kuwaa oo geesteen Khasaaro

Ugu yaraan 2 ruux ayaa lagu soo waramayaa inay geeriyoodeen labo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxyada oo isku xigay.

Qof goobjooge ahaa ayaa sheegay in qaraxa koowaad uuka dhacay wadada aad loo isticmalo oo ku taal suuqa aad u mashquul badan oo dadku ka dukaameystaan, waxaana daqiiqado kadib qaraxii labaad uu ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtaasi.

Wakaalada wararka ee Sweden TT ayaa sheegtay in waxyar ka hor qaraxyada ay soo gaartay fariin e-mail ah oo loogu hanjabayo Sweden, taasoo ay soo direen mujaahiinta.

Wasiirka arimaha dibada Sweden ayaa sheegay in qaraxyadan ay ahaayeen weerar argagixiso oo fashilmay, sida uu yiri.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan xoogan oo lagu ogaanayo qaraxyadan. Waxayna saraakiil u hadashay booliska sheegeen inaysan ka hordhici doonin baaritaanada socda.

Nin u dhashay wadanka Sweden ayaa sanadkii hore qoray sawiro uu ku aflagaadeynayo Nabi Muxammad SCWtaasoo dad badan u arkaan in wadanka Sweden uu bartilmaameed u yahay weerarada qaraxyada

Related Items


Leave a comment