Mogdisho: Dowlada FKM ayaa qirtay in ay hishiib la gashay Shirkada SARACEN Intenation

Thursday December 23, 2010 - 10:09:57
0 Comments
1059
Super Admin
Dowlada FKM ayaa qirtay in ay hishiib la gashay Shirkada SARACEN Intenation ee fadhigeedu yahay wadanka Lubnaan dowlada oo warbixin arinkaas ka bixisay ayaa sheegay in ay Shirkada Saracen International Securty ay la gashay hishiis tababarka Ciidamada ah.

Xili maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal haayay heshiiska ay sida hoose u wada gaareen dowladda KMG Soomaaliya iyo shirkadda Saracen International, ayaa arintaasi waxaa daaha ka rogey masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasi oo qiray in uu jiro heshiiskaasi.

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa kula heshiisay shirkadda Saracen International in ay tababar siiso ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida dowladda KMG Soomaaliya, waxaana heshiiska labada dhinac ay saxiixdeen bishii October ee sanadkaan.

Heshiiska ayaa waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halka dhinaca kale ee shirkadda Saracen Internat u saxiixay madaxa howlgalinta ee shirkaasi oo lagu magacaabo Lafras Luitingh.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada KMG Soomaaliya Xuseen Cabdi Calane oo ayaa VOA-da u sheegay in sidoo kale shirkadaani ay ka caawin doonto dowladda KMG Soomaaliya la dagaalanka argagixisada, sugida amaanka goobaha ay ka dhacayaan munsaabadaha, amaanka madaxda sare ee dowladda KMG.

Shirkadda Saracen International oo dhinaca kale tababar u fidineysa ciidamada badda ee Maamul goboleedka Puntland ayaa fadhigeedu waxaa uu yahay magaalada Beirut ee dalka Liibiya

mohamed Ali

BTS Lubnaan Ardbayd

Related Items


Leave a comment