Galmudug: Wasirka Warfahinta galmudug ayaa uga digay Ciidamada Shabab in ay qabsad Magalada Xarar dheere

Thursday December 23, 2010 - 10:37:51
0 Comments
1170
Super Admin
Wasirka Warfahinta galmudug Axmed Baasto ayaa uga digay Ciidamada Shabab in ay qabsad Magalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ka dib markii ay isaga bexeen ciidamda xiszbul islam oo ka talin jiray maqribnimadii shalay

Axmed Max’uud Xasan (Baasto) oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Galmudug oo xalay u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Xarakada Al Shabaab xili laga cabso qabo inay Shabaab la wareegaan degmada Xarardheere kadib markii ay degmadaasi Faaruiyeen Ciidamadii Xisbul Islaamkii Bur burey.

“Cid kasta oo deegaanka Xarardheere iyo dhulka aan maamulno soo aada inagu waan kula dagaalameynaa, dhulkeena, deegaankeena iyo shacabkeena in aan ilaalsano waa waajib nasaaran, waxaana leenahay degmada Xarardheere haloo daayo dadka shacabka ah si ay iyagu wax u dhistaan waxna u qabsadaan” ayuu yiri Axmed Baasto.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Galmudug waxaa uu intaasi raaciyay in aysan waxba soo kordhineyn xoogag isku bad badala gacan ku heynta degmada Xarardheere, isagoo farta ku fiiqay in aysan wax wanaag ah AL Shabaab geyn doonin degmada Xarardheere.

Wararka saakay laga helayo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in degmadu ay tahay Maamul la’aan kadib markii galinkii dambe ee Shalay ay halkaasi isaga baxeen Maamulkii iyo ciidamadii ka talinayay ee hoostagi jiray ururkii Xisbul Islaam.

Xarardhere BTS Online


Related Items


Leave a comment