Mogdiso: Dowlada FKM oo so dhawayay Go'aana QM ee Mudo kor dhinta Amisom

Friday December 24, 2010 - 15:57:27
0 Comments
1337
Super Admin
Maxamed C/laahi Oomar Wasiirka Arimaha dibada ahna raisalwasare ku xigeenka ayaa ku sheegay in ay dowladu soo dhawaynayso Codka aqlabiyada leh ee UN ugu kordhiyey Ciidamada Amison waqtiga sii joogida Dalka somalia, Asaga oo ku tilmaamay in ay tahay go'aan wanagsan oo ay qaadatay jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa.


Max’ed Cabdullaahi Oomaar, waxaa uu sidoo kale ka hadlay ciidamada lagu soo kordhinayo Kuwa haatan kusugan Magaalada Muqdisho, walow uu tilmaamay in codsigii Midowga Afrika ee ahaa in la gaarsiiyo AMISOM 20-kun uusan dhaqan galin hase ahaatee waxaa uu soo dhaweeyay 4-ta kun ee haatan lagu soo biirinayo ciidamada ku sugan Caasumada Wadanka ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada KMG, waxaa uu ugu dambeyntii tilmaamay inay ku rajo weynyihiin in ciidamadaani cusub ay wax badan ka qabtaan xaaladda Soomaaliya islamarkaana ay dowladda KMG Soomaaliya ka garab siiyaan la dagaalanka Mucaaradka sida Alshabaab iyo Xizbul islam oo haatan noqday awooda kaliya ee la dagaalameysa dowladda KMG ee dalka somalia.

Related Items


Leave a comment