BTS: Burcad badeed somalia oo gacanta ku dhigay Markab xamuul

Sunday December 26, 2010 - 08:00:02
0 Comments
978
Super Admin
Shufti Badeed somaliya ayaa ku guulaysatay in ay gacanta ku dhigaan markab xamul oo uu ka lusho Calanka wadanka Thailand waqti uu marayey meel aad uga fog Xeebaha dalka somalia

Madaxa barnaamijka gacansiinta badmaaxiyiinta geeska Afrika Andrew Mwangura oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay Afduubashada Markabkaasi oo lagu magacaabo MV Thor Nexus, waxaana uu intaasi ku daray in markabaasi ay la socdaan ilaa 27 shaqaale kuwaasi oo uusan faah faahin dalalka ay u kala dhasheen.

Andrew Mwangura ayaa tilmaamay in markabaani oo ka yimid Pakistaan kuna sii jeeday Imaaraadka Carabta lagu afduubtay meel 350 meyl ka baxsan xeebaha Cumaan.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo malaayiin doolar ka hela Afduubashada Maraakiibta Shisheeye ee isticmaala xeebaha dalka Soomaaliya ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waxaa ay laba jibaareen howlgalada ay ku afduubanayaan maraakiibta Shisheeye.

Burcad badeeda ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa ay gacanta ku dhigeen labo markab oo laga kala leeyahay dalalka Bangladesh iyo imaaraadka Carabta, iyagoo sidoo kale ku fashilmay inay Afduubtaan labo markab oo laga kala leeyahay Talyaaniga iyo Jabaan.

Waxaa aad u soo badanaya weerarada Burcad badeeda ayada oo ay tahay sido kale xeebaha wadanka somalia iyo badwaaynta ay ku sugan yihiin Maraakib Dagaal oo laga kala lee yahay caalamka kuwaas oo u jooga ilaalinta Maraakibta ganacsiga .

Related Items


Leave a comment