Holland: Wadanka holland oo xabsiga dhigay Muwadinin Somalia

Sunday December 26, 2010 - 09:21:22
0 Comments
1743
Super Admin
Wadanka holland ayaa Xabsiga dhigay 12 Somalia oo haysta dhalashada wadanka Holland kuwaas oo Ciidanka wadanka Holland ku raad joogeen mudooyinkii dambe kuna eedaysnaa in ay maleegayeen Falal argagaxisinimo oo ay ka sameeyaan wadanka Netherland ee Qaarada Yurub
Dadka la xirxiray ayaa da'doodu u dhaxaysa 20 ilaa 41 sano jir, waxaana inta badan laga qabtay guryahooda xili ay hurdayeen sida uu sheegay sarkaal uhadlay ciidamada birmadka utababaran sida Militeriga ee magaalada Rotterdam.

Dowlada Nadarlands ayaa dhawaan shaacisay inay jiraan dad taageera argagixisada dibada sida kuwa kajira Soomaaliya oo kusugan gudaha dalka, waxaana warar sir ah oo ay heleen sirdoonku ay sheegayaan in dadkaasi ay kujiraan rag lagu tuhunsanyahay inaywadanka somalia kana qayb galay dagalada ka dibna dalka Holland dib ugu so noqday.

Dalka Holand waa wadan aad uga dagan wadamo badan oo reer Galbeed ah waxaana ciidamada dalkaasi ay aad uga fakirayaan inay dhici karto in dad dambiyo ka soo galay wadamo kale ay kudhuuntaan dalka Holland .Sarkaal kamid ah wasaarada difaaca dalka Holand ayaa sheegay in ay jiraan xogo iyo warbixino la xiriira dad haysta dhalashada dalka Dhashka oo kulugleh dagaalo iyo waararo argagixiso sidaa darteedna loo baahanyahay in sharciga la horgeeyo dadka noocaas ah.

BTS Holland
Ayaan Axmed




Related Items


Leave a comment