BTS: Gudoomiyaha Dagmada Burtinle ayaa socdaal shaqo ku jooga Magalada Garowe

Monday December 27, 2010 - 00:36:58
0 Comments
2156
Super Admin
Gudoomiyaha Dagmada burtinle ee Gobolka Nugaal Mudane Axmed Khaliif Faarax iyo Xubno ka tirsan Golaha deegaanka ayaa socdaal shaqo ku jooga Xarunta gobolka Nugaal ee Garowe.
Gudoomiyaha ayaa soo gaaray magalo Madaxda Gobolka Nugaal ahna Caasumada Maamulka somaliyed ee Puntland dhawan asaga iyo Xubno kala duwan oo ka tirsan kuwa dagmada Burtinle si ay shirar ula qaataan Maamulka Gobolka ugana war bixiyaan halka xaaladu marayso.

Gudoomiha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay kulamo la yeesheen maamulka Gobolka iyo Hay'adaha kalana hadleen Xaalada dagmada iyo deegaanada hoos yimada .

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay warbixin ku saabsan Abaaraha iyo Amaanka Dagmada kala hadleen madaxdii ay kulamada la yeesheen asaga oo intaas raaciyey in howlo ay dagmada ka waden u baahan yihiin Caawimaan sida Police-ka oo aan gaadiid haysan Xabsiga dagmada oo dayacan Nadaafada iyo arimo kale oo badan.

Gudoomiya ayaa sheegay in ay dagmada ka bilaabeen Qaadida Canshuurta oo awal aan laga qaadi jirin dadka dagmada ayada oo uu sheegay in maamulka bilaabay howlo ku cusub dadka reer burtinle oo u baahan sida canshuur qaadida ka shaqaynta arimaha bulshada sida amaanka.

Su'aalo laga waydiyey Xaga amaanka iyo Cashuurta dagmada ayuu sheegay Gudomye Axmed Khaliif Faarax in aysan jirin police ku falan amaanka sababo xaga qalabka sida gaadiid la'aan iyo Xarun amaan oo shaqyn karta asaga oo dhanka cashuurta sheegay in ay shaqayn jirtay canshuurta laga qaado Gadiidka kaliya waa suu hadalka u dhigay Gudoomiyuhuye .

Ugu dambayntii ayaa gudoomiyuhu sheegay in kulamadooda ay raban in ay ku dhaxlaan wax ka qabadka ay u yimadeed xarunta maamulka asaga oo xusay in maamulkiisu cusub yahay aysana jirin Howlo waawayn oo ay wali qabteen marka laga reebo Arimaha nadaafa iyo wax la mid ah taas oo ay ka taageereen ganacsatada magalada Burtinle.

Muhannad Abdigani Geelle
Director BTS Online

Related Items


Leave a comment