Garowe: Ciyaartii dhex martay Bari iyo Bay ayaa guushu ku raacday Bari

Monday December 27, 2010 - 16:59:35
0 Comments
975
Super Admin
Xulka kubada cagta ee 18 gobol kana socda Garoonka kubada cagta ee Mire awaae jaamac Magaalada garowe aya waxaa food isku daray Xulka Bay iyo Xulka Bari waxayku soo dhamatay 2-3 oo guushu ku raacday Goblka bari oo hada u gudbay semi-funalka cayaarta ama Afarta kooxood ee u dambeya
Ciyaarta oo aad u xiiso adnayn aya saacad ka hor ku soo dhamatay Garoonka kubada cagta ee lagu marti galiyey ciyaaraha Gobolada somaliya .

Ciyaarta oo ku soo dhamatay 2-3 oo gobolka bari u sahashay in ay u soo baxaan semi fanalka ayaa waxaa lagala hor maray 2 labada gool ee ay la timi Xulka Gobolka bay hase ahaatee ciyaarta oo aan dhaman qaybtii hore ayey iska soo mageen halka ay u raaciyeen q goal oo ah kan guushu ku raacday Gobolka Bari .

Sido kale waxaa hada ka socota garoonka Mire Aware ciyaal kale oo dhex maraysa Gobolada Shabelada dhexe iyo Jubada dhexe oo laga rabo in mid soo baxdo hasa ahaatee ilaa hada aysan wax goalal ah kala layn ciyaartuna socoto haday ku dhamato barbar dhac ayaa ciyaarta loo dhigayaa Riigoore si ay u so baxdo hal koox oo kaliya .

Muhanad Abdigani BTS Online

Related Items


Leave a comment