BTS: Gobolka Banaadir oo ka Guulaystay Nugaal ahna Gobolka kaliya ee Hada Finalka Jooga

Tuesday December 28, 2010 - 18:13:07
0 Comments
2177
Super Admin
Ciyaar aad u xiiso badan ayaa dhex martay Galabta Xulalka Gobolada Nugaal iyo Banaadir ee ka soo kala jeeda Labada Caasumadood ee Somalia iyo Puntland.

Ciyaarta oo aad u xiiso badnayd ayaa galabta waxaa Garoonka jogay Daawadayaal Fara badan oo u soo daawasho tagay Ciyaarta dhex martay gobolada Nugaal iyo Banaadir Guushuna ku raacday Gonolka banaadir oo ku badiyey Riigoore

Ciyaartan oo ku dhaamtay hal iyo hal waqtiigii caadiga ahaa ayaa 2o daqiiqo oo dheerad oo lagu daray waxa ay labada kooxood isla dhaafi waayeen 1-1

Hadaba markii ay tagtay ciyaarku rigoorayaal ayaa ciyaartoyda gobolka Banaadir waxa ay dhaliyeen 5 gool ee loo dhigay halka ciyaartoyda gobolka Nugaal ay iska cuneen hal

Kadib markii kabtanka goboka Nugaal Tima Jilic oo beel dareeyay gool rigoore ah oo la rabay in uu shabaqa ku hubsado hase ahaate noqontay mid khasaartay .

Sidaas ayaa gobolka Banaadir waxa uuyahay Gobolka kaliya ee finalka u fadhiya ,waxana uu sugayaa inuu tii soo baxday ciyaarta bari galab xiisaha badan ee dhex maryasa Gobolada sh/dhexe iyo Bari

Kala soco warbahinta BTS Online

Related Items


Leave a comment