Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay Taas oo Gogol dhac u ahayd ciyaarta bari ka dhacaysa magaalada Amsterdam(Sawiro)

Tuesday December 28, 2010 - 19:02:17
0 Comments
3316
Super Admin
Xafladaas oo looga hadlayay dhalinyarada, nabadda iyo Isboortiga oo lagu qabtey magaalada Amsterdam;

Hay’adda HIRDA .Org ayaa waxay magaalada Amsterdam ee dalka Holland ugu qabatey habeenimadii Sabtida taariikduna aheyd 25/12/2010, kooxihii ka soo qayb galey koobka Amsterdam Futsal Tournament 2010 barnaamij aad u wanaagsan oo looga hadlayay waxbarashada, is dhaxgalka bulshada, dhalinyarada, isboortiga iyo Nabadda.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan dalka Holland iyo kuwo ka yimid dalalka Yurub ayaa waxay si xiiso badan uga hadleen fikirka kale duwan ay ka qabaan moowducyada laga doodayay kulankaas, kuwaasoo isugu jirey kuwa looga hadlayay Nabadda Soomaaliya iyo sidii Isboortiga kaalin weyn uga qaadan lahaa isfahanka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen Nabadeynta dalkooda.

Waxaa kale oo laga dooday in isboortiga is dhexgalka bulshada meel kasto ay joogaan sare u qaadi karo, islamarkaana dhalinyarada Soomaaliyeed iyo caruurta ku nool dalalkaan horumarey uga faaidaysan lahaayeen sidii ay meel sare uga gaari lahaayeen isboortiga noocyadiisa kale duwan.

Dooda ugu xiisaha badneyd waxay aheyd markii laga hadlayay waxbarashada iyo heerka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalalkaan ka gaareen, waxaana la isku raacay in gabdhaha Soomaaliyeed ee degan dalalkaan Qurbaha ay xaga waxbarashada ugu horeeyeen wiilasha islamarkaana number aad u sareeya ay kaga horeeyaan inta ka baxda waxbarashada heerarka sare halka wiilasha waxbarashada uga haraan meelo kale duwan.

Dhamaan dhalinyaradii halkaasi ka hadashay ayaa waxay sheegeen inay jecel yihiin inay ka qayb qaataan kaalintooda sidii dalka Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, iyadoo ay doodaan ka hadleen dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhawaan ka yimid dalka Soomaaliya iyo kuwo halkaan ku korey.

Barnaamijka waxaan si rasmi ah u furey agaasimaha hay’adda HIRDA marwo Fadumo Farah iyo Yusuf Maxamed Cabdi waxaana daadihinaayay doodaha kale duwan CabdiNasir Sola, Muna Handulle iyo Cabdiweli Garyare, iyadoo ay ka hadleen dad aan u fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi Karin magacyadooda, sida Cabdulqaadir Biriq, Cilmi Daqare, Cabdifataax Nabadda, Ciid iyo Hoda, Sucaad, Nimcoiyo qaar kale oo farabadan,kadib markii dooda dhamaateyna waxaa halkaasi loogu sii qabtey xaflad furitaan ah oo ka koobneyd casho iyo madadaalo loogu talagaley kooxihii ka yimid dibadaha oo ka qayb galayay koobka AFT 2010.

Run ahaantiina waxaa u ahaa barnaamij aad u qiimo badnaa oo ay aad uga helayeen dhalinyaradii ka soo qayb gashay, waxaana uu ku soo dhamaadey farxad iyo guul.sidoo kale waxa jira bari Ciyaaayro is reb ka ah oo ay ka soo qayb gali doonaan kooxo somalia oo ah somalida dagan Europa wixii ka soo kordha waxaad ka daalacan doontaan wararkayaga danbe,

wariye Al xaaji ilkadhagax

Related Items


Leave a comment