BTS: Xulka Gobolka Bari oo Finalka Tagay iyo Warbixin Finalka ah "Akhriso "

Wednesday December 29, 2010 - 19:40:43
0 Comments
2340
Super Admin
Xulka gobolka Bari ciyaar wanaag kaga guulaystay ciyaar aad loo hadal hayey oo ahayd semi-final dhex maray Bari iyo Jubada hose ee Xarunta u tahay Kismayo .

Ciyaartoyga gobolka Bari ayaa galabta ciyaartii semi finalka ay la dheeleen gobolka J/hose waxa ay ku soo bandhigeen ciyaar si weyn uga farxisay taageerayaashi gobolka Bari ,Ciyaartoyda gobolka Bari ayaa u muuqday kuwo si weyn ciyaar wanaagsan taas ooba ay kuu cadaynayos goolasha sy ku hubsadeed shabaqa dayacmay ee Jubada hoose.

waxaana taasi ayka muuqatay weerarada joogtada ah ee ay ciyaartoyda gobolka ku hayeen gobolka J/hoose taas oo u diiday ciyaartoyda jubada hoose in ay bareejeeyan amasa ka badshaan gobolka Bari.

Ciyaartoyda J/hoose oo dad badani uu saadaalinayeen in ay Bari raacin doonan gobolka Nugaal ayay fajac ku noqotay natiijada ciyaartan ,waxana iminka indhuhu aadeen dhankaa iyo ciyaarta finalka ee taas oo ay ku tartami doonan gobolka Banaadir iyo gobolka Bari.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamatay 3-0 oo sadaxda ay la goob yimaadeen xulka Puntland matalayey ee kaligii Finalka joogo waa Bariye .

Waxaa hambalyo u diray xulka Gudoomiyaha gobolka Bari C/xaafid Cali oo muujiyey rajo in ay ka qaban u koobku imaad doono Magalada Boosaso ee xarunta dhaqalaha Puntland ahna Xarunta gobolka bari.

Waxaase naga xusuusina in ay finalka isku arkayaan xulka laga wada yaabay ee Banadir loo joogee kan hoyiya guusha ayada oo la filayo in labada gudoomiye ee labda gobol ciyaar finalka ka wada qayb galaan daawashadeeda


MHMD HAJI BTS ONLINE

Related Items


Leave a comment