USA: Maraykanka ayaa uga digay Muwaadiniintiisa in ay tagaan Wadanka Somalia

Thursday December 30, 2010 - 09:51:31
0 Comments
908
Super Admin
laanta Socdaanka iyo Arimaha Dibada dalka Maraykanka ayaa dhambaal digniin ah u dirtay muwaadiniinteeda meelkasta oo ay joogaan in aysay tagin wadanka Somalia ka dib markii dhawaan hanjabado ka soo yeerteeren Xarakada Shabab ku aadan wadanka maraykana iyo muwadiniintiisa.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in habayaraatee aysan jirin safaarad ay ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya ama joogis Diblumaasiyadeed oo muwaadiniinta kusii joogaan Soomaaliya, sidaasi daraadeed looga baahan yahay in ay ka feegjignaadaan u safridda gudaha dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin u hadlay waaxda arimaha dibadda ee wadanka Maraykanka ayaa sheegay in Muwaadiniinta Maraykanka ay la kulmi karaan afduub, dil iyo dhibaatooyin kale oo ay gaystaan kooxaha ka dagaalamaya gudaha Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale waxaa ay ugu baaqday Maraakiibta shisheeye ee ku safarta biyaha dalka Soomaaliya in kaligooda aysan ku dhexsafrin xeebaha dalka Soomaaliya iyo goobaha ku dhow dhow, waxaana taaa badalkeeda ay sheegtay in looga baahanyahay in ay la socdaan ama ay galbiyaan kulanyo ka mid ah Maraakiibta dagaalka ee ku howlan la dagaalanka burcada badeeda Soomaalida .

Hadalka kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa waxaa uu daba socdaa hanjabaado dhawaan Xarkada Mujaahidiinta Al Shabaab ay u jeediyeen Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyo Muwaadiniinta u dhashay dalka Maraykanka oo shabaab ku eedaynayey faragainta maraykanka ee dalka somalia .

Shuushuun

Related Items


Leave a comment