Galkacyo: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Qarax lala beegsaday

Monday January 03, 2011 - 17:19:17
0 Comments
902
Super Admin
Qarax aad u xoogan ayaa lala beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali salad iyo ilaaladiisa Gaari ay wateen oo maraya Bartamaha Magalada Galkacyo Xaafada Xero Daraawiish hase ahaateen wax kama soo gaarin asaga iyo ilaaladiisa midna sida uu xaqiijiyey Gudoomiyaha.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof oo rayid ah oo mid ka mid ah ay aheeyd haweenay ka agdhaweyd goobta uu qaraxu ka dhacay kuwaasi oo markii dambe loola cararay xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug oo warbaahinta u warbixiyey si kooban ayaa waxaa uu tilmaamay in isaga iyo ciidamadiisu ay ka bad baadeen qaraxa isagoo carabka ku dhiftay in saacadaha soo aadan uu Faahfaahin ka bixin doono qaraxaasi Maanta lala beegsaday.

Qaraxa kadib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamada Booliska ee Mamulka Puntland kuwasi oo bilaabay baaritaano xoogan oo lagu baadi goobayo cidii ka dambeysay qaraxa lala eegtay gudoomiyaha gobolka Mudug walow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi.

Ilaal iyo waqtigaan waxaa socda Baaritaano lagu raadinayo cidii ka dambaysay Qaraxa Dhicisoobay ee lagu weeraray gudoomiyha.

Saadiq walaas BTS Online


Related Items


Leave a comment