BTS: Farmaajo iyo Wasirka Warfaafinta oo booqday Radio Muqdisho

Wednesday January 05, 2011 - 09:56:00
0 Comments
1183
Super Admin
Raisalwasaare Maxamed C/laahi ayaa booqday Xaunra Idaacada Radio Muqdisho asaga oo uu garab socda Wasiirka Warfafinta Dowlada FKM waxayna kula kulmeen idaacada madaxa sarsare ee Idaacada.
Raysalwasaraha & wasiirka ayaa ku tilmaamay inay idaacada radiMuqdisho tahay mid aad u wanaagsan isla markaasna u taagan wacyi gelin shacabka soomaaliyeed.

Raysalwasaraha soomaaliya waxaa uu ka dhawaajiyey inay masuuliyinta idaacadu yihiin wadaniyiin u baahan in la garab galo si ay hawlahooda shaqo u gutaan.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegey inuu soo dhaweynayo arrimaha ku aadan wacyi gelinta bulshada,waxaana uu sheegey in loo baahan yahay in la kordhiyo maqalka idaacada si looga maqlo gobolada dalka qaarkood.

Waxaa kale oo masuuliyiinta dawladu shaqaalaha idaacada ugu balan qaadeen inay tababaro dibedda ah u diri doonaan shaqaalaha idaacada isla markaasna aqoontooda saxafinimo kor loo qaadi doono si ay idaacada iyo Wasaaradu u hormaraan..

Related Items


Leave a comment