Galkacyo: Magalada galkacyo oo ay ku soo badanayaal dilalka Qorshaysan iyo dadka oo cambaareeyey

Thursday January 06, 2011 - 10:16:39
0 Comments
937
Super Admin
Waxaa maalmihii dambe ku soo badanaya Magalada galkacyo ee Xarunta gobolka mudug dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo dadka caanka ka an Magalada Galkacyo.

Maalmahan dambe waxaa magaalada Gaalkacyo dhinaceeda woqooyi ay kusoo badanayeen falal amaan dari oo lagu waxyeelaynayo Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Mudug iyo dad rayid ah oo aan wax ba galabsan, ayaa arimahaasi waxaa walaac xoogan ka muujiyay qaar ka mid ah waxgaradka iyo nabadoonada ku dhaqan gobolkaasi.

Max’ed Nuur Diiriye Furux oo ka mid ah nabadoonada magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu tilmaamay, waxa ay horseedi karto hadii aan wax laga qaban falalka amaan dari ee kusoo kordhaya magaaladaasi, wuxuuna carabka ku dhiftay in loo baahan yahay in hal dhinac loogu soo horjeesto dadka falalka amaan dari ka wada gudaha magaaladaasi.

Nadoonka oo hadalkiis sii wata ayaa sheegay in falalka amaan dari ee kusoo kordhay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ay qayb ka yihiin dilalka qorshaysan ee ka dhacaya gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

Max’ed Nuur Diiriye Furux oo ka mid ah Nabadoonada ku dhaqan woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay Maamulada Galamudug iyo Puntland in ay wax ka qabtaan falalka amaan dari ee kusoo kordhay magaalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Hadalka kasoo yeeray Nabadoonada ku dhaqan Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya xili magaaladaasi ay ku kordheen falal lagu bartilmaameedsanayo Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Mudug iyo waxgaradka iyo dadka caanka ah.

Gobolka mudug ay mudooyinkii dambe ahaa mid xasiloobay ayada oo magalada ay ka biloowdeen is dhexgalka dadka iyo mushaaxada waqtiyada habaynkii ah halka mar kale maalmahaan ayisku badashay mid fiid ka carara magaaladu sido kalena aysanmagaaladu habaynkii xisilooni badan jirin lana maqlayo rasaas joogto ah .


Related Items


Leave a comment