BTS:Qaramada midoobay oo sheegtay in si dagdag ah loola gaaro gargaar dadka somaliyee ee abaaruhu saameeyeen

Saturday January 08, 2011 - 10:19:51
0 Comments
1474
Super Admin
Isuduwaha Qaramada midowbay u Qaabilsan somalia Mark Bardow ayaa shegay in loo baahan yahay in si dagdag ah loogu baahan yahay in la gaarsiiyo somaliya gargaar sii gobolada koonfurta iyo bartamaha oo si wayn hada qayladu uga jirto
Sida lagu sheeay war qoraal ah o kasoo baxay Xafiiska isku duwidda howlaha bini’a adinimada ee Qarmada Midoobayee ay ku leedahay magaalada Geneva ee Xarunta dalka Switzerland, ayaa lagu sheegay in yaraashaha roobka gudaha Soomaaliya ay ka sababtay in abaaro ay ku dhiftaan gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo la filanayo in dhibaatooyin dhinca bini’aadanimo ay ka dhacaan gudaha dalka bilaha soo socda maadaama ku dhawaad 2-Milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiiin ga gar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Mr. Mark Bowden oo ayaa ku tilmaamay dhibaatooyinka dhinaca bini’aadannimada ee ka jirta Soomaaliya ay tahay mid beesha Caalamka looga baahanyahay inay wax ka qabtaan., wuxuuna intaasi ku daray in la fududeeyo gaarsiinta gar gaarka bini’aadanimada goobaha sida xun ay u saameyeen abaaraha.

Bowden ayaa waxaa uu tilmaamay in yaraashaha dalaga beeraha ka soo go’a Soomaaliya ay keentay in uu saro u kac ku yimaado raashiinka qutul duruuriga, taasi oo uu tilmaamay in ay sababtay nafaqo dari baahsan ay soo wajahday dadka badan oo ku sugan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.


Related Items


Leave a comment