BTS:SHabaab iyo Reer Bu'aale oo colaad ka dhex jirto

Thursday January 13, 2011 - 12:07:30
0 Comments
1589
Super Admin
Shabab iyo dadka reer Bu'aale ayaa waxa laga dareemin in ay waqtiba kan ka dambeya in xiisado colaadeed ay cirka isku shareerayaan

Waxgaradka iyo odayaasha gobolka J/dhexe ayaa bilaabay dadaallo lagu qaboojinayo dhiillo colaadeed oo gobolka soo food saartay, taasi oo u dhaxeysa dhallinyarada gobolka iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab, waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay dhex maray dagaallo ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka J/hoose oo ay ka mid tahay degmooyinka Bu'aale, Saakow iyo tuulooyin kale isla markaasina dagaaladaasi lagu jebiyay weeraro dhowr ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanadaasi ayna uga geeriyoodeen dagaalyahano ajaanib ah.

Suldaan Maxamed Garjan oo ka mid ah odayaasha degmada Bu'aale ayaa ka hadlay halka uu marayo dadaalka ay ku doonayaan in lagu hakiyo dagaallo ka dhaca gobolka J/dhexe, hase yeeshee isagoo ka warbixinayay sababta dagaalada keentay ayaa sheegay inuu ka bilowday khilaaf soo kala dhex galay xoolo dhaqatada gobolka iyo maleeshiyo ururka Al-Shabaab ka tirsan oo ka tegay magaalada Kismaayo, kuwaasi oo duulaan ku qaaday dadkaasi xoolo dhaqatada ah kuna amray inay xoolahooda Sako ka bixiyaan.

Xoolo dhaqatada gobolka J/dhexe oo u badan dhallinyaro iyo rag da' dhexaad ah ayaa ka biyo diiday awaamiirta maleeshiyada Al-Shabaab uga dooneyso xoolaha Sakada ah, wuxuuna Suldaanka sheegay in qaabka ay u doonayaan Shabaabka inaysan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka sida iyagoo xeradii ay ku jiraan shan neef ka doonaya in laga siiyo laba neef.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmooyinka Saakow iyo Bu'aale ayaa sheegaya in dhallinyarada degaanka ay isku diyaarinayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weeraro maleeshiyada Al-Shabaab ku damacsan tahay inay gobolka ku qaado, waxaana sidoo kale dhallinyarada degaanka iyo maleeshiyada Shabaabka ay isku hor fadhiyaan ceelal ku yaalla tuulooyin ka tirsan degmooyin ku yaala gobolka J/dhexe.

Dadka rayidka ah ee iyagu degan gobolka oo iyagu markoodii horeba la dhibaateysnaa abaaraha ka jira gobolka, ayaa iminka waxaa intaasi uga daran colaadda ka soo ifbaxday degaanadooda oo u dhaxeysa maleeshiyada Al-Shabaab iyo dhallinyarada gobolka u dhaxeeya iyo waliba Shabaabka oo isku dayaya inuu dadkaasi u fariisto ceelasha biyaha ay ka cabaan xoolaha si ay cadaadis ugu saaraan inay dadku bixiyaan xoolaha ay ka doonayaan taasi oo dadka gobolka ku kaliftay inay ka doortaan geeri gobanimo inta ay ku noolaan lahaayeen gunnimo.

Axmed Cali

Related Items


Leave a comment