BTS: Xarakada Alshabaab ayaa xukun gacan goyn ah ku fulisay wiil dhalin yaraa

Saturday January 15, 2011 - 10:24:49
0 Comments
975
Super Admin
Xarakada SHabaab ee ka talisa Magalada Kismayo ayaa xukun gacanta looga jaray wiil dhalin yaraa ku riday Magaalada Kismaayo Xarunta J/hose, ka dib markii lagu helay fal xatooyo.
Wiilkan soomaaliyeed ayaa la sheegey inuu fal tuugo ah geystey,waxaana la sheegey in wiilkaasi meel fagaare ah ay gacantiisa ku jareen Mujaahidinta Shabaab.

Wiilkan gacanta la jaray ayaa lagu magacaaba C/raxmaaan Maxamuud Cali,waxaana mujaahidinta shabaab ku eedeyeen inuu xaday qori Ak47 & laba malyan oo shilinka soomaaliga,waxaana Mujaahidiinta shabab ku xukumeen gacan goyn.

Sida ay sheegeen Masuuliyiinta Shabab waxay sheegeen in wiilkaasi oo 20 jir ah uu wakiil ka ahaan alaabta uu xaday isla markaasna ku cadahay inuu isagu xaday alaabtaasi,waxaana ay ku xukumeen in gacan la jaro iyadoo meel fagaare ah gacantiisa lagu gooyey.

Meesha gacantaasi lagu jarayey waxaa meeshii gacantaasi lagu jarayey soo buux dhaafiyey boqolaal ka mid ah shacabka reer Kismaayo kuwaasi oo u soo daawasho tagey.

IBarahin ABuukar Maasow
Burtinletimes.com

Maaha markii ugu horeysey ee Mujaahiidiinta shabab ay gacan ku gooyaan magaalada Kismaayo,waxaana hadda ka hor falal gacmo goyn ah ka fuliyeen magaalada Kismaay

Related Items


Leave a comment