BTS: Ciidama Beeleedka SSC ayaa weeraray Fariisin Ciidamada Somaliland ay ku lee yihiin Kalabayr

Saturday January 15, 2011 - 10:37:23
0 Comments
992
Super Admin
Ciidamada Sool Sanaag Cayn ayaa weeraray Fariisin Ciidan oo ku yaal duleedka Magalada Laascaanood halka lagu magacaabo kala bayr oo ay ku sugnaayeen Ciidamo somaliland ayaga oo mudo yar ka dib ka laabtay, sido kale maamulka somaliland ayaa soo daadiyey Ciidamo xoogan oo dagaal ka gaysya.
Ciidamada Ssc ayaa la sheegey mudo kooban la wareegeen farisiimihii ciidamada somaliland ee magaalada Kalabaydh ka dib markii ay soo cariyeen ciidamo fara ku tiris ahaa oo somalland ka tirsanaa,waxaana markii dambe ciidamada Ssc dib ugu laabteen farisiimihi ay ka soo duleen.

Ciidamada somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa shalay galinkii dambe cutubyo ka tirsan ciidamadoodu u dhaqaaqeen degaanka kalabaydh halkasi oo ay ssc saacado gacanta ku haysey balse markii dambe dib ugu laabtey meelihii ay ka soo weerar tageen.

Ciidamada Somaliland waxaa ay xalay duleedka magaalada kalabaydh ku dhaawaceen 3 ruux oo rayid ah isla markaasna la socday gaari rakaab ah,waxaana ay saarnayeen dadkaasi gaari ari sida.

Xaalada degmada kalabaydh ayaa saaka xasiloon inkastoo dadkii ay dhaawaceen xalay saqdii dhexe la soo gaarsiyey magaalada laascaanood ee gobolka sool gaar ahaan cusbitaalka magaalada

Axmed IDaale
bts Online

Related Items


Leave a comment