BTS: Fulinta toogasho 3 askari oo maxkamda Ciidanku xukuntay ayaa ka dhacay x/jabab

Saturday January 15, 2011 - 10:53:41
0 Comments
1003
Super Admin
Maxkamda Ciidamka Qalabka sida ee Dowlada KMG aya fulisay Dil toogasho 3askari oo lagu helay dambiyo dil ciidam.
Fagaaraha ka soo horjeeda Iskoolo Bulusiyo oo ku yaala degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka abaarihi 7:30 subaxnmo lagu toogtay 3 askari oo ka tirsanaan jiray ciidamada dowlada Somalia ka dib markii ay dil ku xukuntay Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowlada Somalia.


Xasan Maxamed Xuseen Mungaab oo ah gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka ee dowlada Somalia ayaa saxaafada kula hadlay goobtaasi isagoo sheegay in 3-da nin ee saaka la toogtay ay ka mid ahaan jireen cidamada Booliska iyo milateriga dowlada Somalia, maxkamaduna ay ku xukuntay dil bilo ka hor ka dib markii lagu helay iney si bareer ah u dileen xiliyo kala duwan askar kale oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo dad rayid ah.

Waxaa kale oo intaa ku daray gudoomiyaha iney sii wadi doonaan xukunada ay Maxkamadu la tiigsan doonto ciidamada dowlada ee dilka u geysta ciidamada kale ama dad rayid ah, isagoo sheegay in askarigii ku kaca fal dembiyeed ka dhan ah waajibaadka loo xilsaaray ay maxkamadu talaabo sharci ah ka qaadi dooto, uusana ka badbaadi doonin.

Wa markii labaad ee xukun dil toogasho ah ay maxkamada ciidamada qalabka sida ku fuliso askar gacan ku dhiiglayaal ah oo ka tirsanaa ciidamada dowlada, iyadoo dabayaaqadii sanadkii hore ay maxkamadu xukun dil ah ku fulisay askari isna lagu eedeeyey inuu dil bareer ah kula kacay askari kale oo ka tirsanaa ciidamada dowlada Somalia, lamaqna oga waxa xukunaadan ay ka bedeli karaan falalka dilka ah ee ay ku kacaan qaar ka mid ah ciidamada dowlada.

Maxamed Khayr

BTS online




Related Items


Leave a comment