BTS: hogaamiyaha Mucaaradaka Sudan Xassan Turaabi oo Xabsiga la dhigay

Tuesday January 18, 2011 - 10:38:09
0 Comments
1322
Super Admin
hogaamiyaha Mucaaradaka Sudan Xassan Turaabi ayaa Xabsiga la dhigay ka dib markii uu ku baaqay Kacdoon shacab.
Ciidamada amaanka dalka Sudan ayaa xabsiga u taxaabay hogaamiyaha mucaraadka ah ee dalka Sudan Xasan Al turabi maalin kadib markii xisbigiisa ugu baaqay in kacdoon shacbi ah kala horyimaadan dawlada hadii aysan ka laaban go’aanka ay dawladu kor ugu qaaday ascaarta.

Xoghayaha Al turaabi Cawad Baabakar ayaa waxaa uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in habeenkii xalay ay ciidamadu kala baxeen gurigiisa isaga iyo nin kale oo ka tirsna kaaliyaasha Alturaabi

Kooxaha mucaaradka ah ayaa ku hanjabay in ay banaan bax samayn doonana maalinta Axada ah hadii aysan dawladu casilin wasiirka maaliyada kaas oo kor u qaaday ascaarta cuntada

Ma aha markii u horaysay ee Turaabi xabsiga la dhigo ee dhawr goor oo hore ayaa ciidamada amaanka ay xireen ilaa iyo intii Alturaabi uu ka baxay xisbiga talada hay dalka Sudan

Axmed maxamed Cali

BTS Online

Related Items


Leave a comment