BTS: Raisalwasare Maxamed C/lahi oo dib ugu so labtay Magalada Muqdisho

Thursday January 27, 2011 - 19:32:47
0 Comments
863
Super Admin
Raisal wasaaraha somalia Maxamed C/laahi Farmaajo oo safar labo todobaad qaatay ku kala bixiyey wadanda Maraykanaka Yurub iyo Emairatek aayaa maanta dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho ee Xaruanta dalka somaliya.

Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo R/wasaaraha Soomaaliya oo maanta wareysi siiyay warbaahinta Soomaliya qaarkeed ayaa ugu horreyntii ka hadlay safarkii uu ku tagay waddanka Mareykanka isagoo tilmaamay in ujeedadiisu aheyd inuu warbixin ka siiyo Golaha Ammaanka xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka, dib u heshiisinta iyo waxqabadka Xukuumadda cusub ee Soomaliya.

Waxa uu tilmaamay R/wasaaruhu inuu kala hadlay Madaxda Qaramada Midoobay sidii gacan loo siin lahaa Dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed maadaama ay Xukuumaddu dooneyso inay wax badan ka bedesho marxladda dalka oo ay soo celiso adeegyada bulshada.

R/wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa sheegay inay caalamka si aad ah uga walaacsanaayeen waxa la qaban doono marka ay dhamaato Muddada KMG-ka ah ee u hartay Dowladad Soomaaliya taasoo ku eg 11 Augost ee sanadkan, waxa uu tilmaamay R/wasaaruhu inay Madaxdii uu la kulmay dhamamantood ay codsanayeen inaysan marnaba isku dayin hay’adaha ugu sarreya Dowladda inay waqtiga kororsadaan, waxa uuna sheegay R/wasaaruhu inuu u ballan qaaday inaysan Golaha Wasiirada ka soo bixin ku dhowaaqis ku adan in xilliga loo kordhiyo.

Mudane Farmaajo R/wasaaraha Somaliya ayaa dhanka kale ka hadlay Safarkii uu ku tagay waddanka Talyaaniga isagoo shaaciyay in uu la kulmay dhiggiisa dalkaa iyo Madax kale waxa uuna xusay in ay ballan qaadeen inay taageero dhinacyo badan siinayaan Dowladda Soomaaliya, waxa uuna R/wasaaruhu xusay in Madaxda Dowladda Talyaaniga uu xasuusiyay Doorka looga baahanyahay in ay ka qaataan Taageeridda Soomaaliya.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay Booqashadii uu ku taagy waddanka Isutagga imaaraadka Carabta isagoo sheegay inay si wanaagsan u dhacday, islamarkaasna ay Madaxda dalkaasi ay u ballan qaadeen inay taageero dhan walbo ah la garab taaganyihiin dowladda ayna wadamaad kale ee Carbeed u gudbin doonaan inay taageeraan Dowlada Soomaliya.

R/wasaaraha Somaliya ayaa sheegay inay dowladd Soomaliya ka go’antahay soo celinta ammanka isalamrkaasna aysan dooneyan in dagaal oo kaliya wax lagu xalliyo balse ay soo dhoweyneyso cid kasta ee Soomaali ah oo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah islamarkaasna dooneysan inay wadahadal la furto dowladda hase yeeshee waxa uu R/wasaare farmaajo carrabka ku adkeeyay inaysan dowladda Soomaliya waxa wadahadal ah aysan la geli doonin Ajaaniibta dambiileyaasha ah ee Soomaliya uga soo duulay wadamada Pakistaan, Afgaanistaan, Chechnia, Mareykan ka iyo dalal kale.

Mar aan wax ka weydiinay R/wasaaraha wax hortaagan in la soo buuxiyo jagooyinkii ay horay u banneeyeen labo Xubnood oo lagu soo daray liiska Golaha Wasiirada isalamrkaasna sheegay inaysan ku qanacsaneyn beelahooda ayuu tilmaamay inay raadinyaan dad tayo leh oo ku habboon inay buuxiyaan boosaskaasi.

R/wasaare Maxamed Cabdulalahi ayaa sheegay in ay Dowladdu qorsheyneyso inay dhisto xaruno loogu talagalay caruurta agoonta ah oo ay Colleage u sameyso caruuntaasi islamarkaasna ay Askarta ku dhaawacantay dagaallaada ay Mushaarkooda u heli lahaayeen.

Ugu dambeyntii R/wasaaraha ayaa ugu baaqay qeybahah kala duwan ee bulshada inay adkeystaan waqtiga yare e u harayislamarkaasna ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban laha adhibnaatooyinka ay ku hayaan Kooxah nabad diidka ah.

najiib Axmed mogdisho BTS Online

Related Items


Leave a comment