BTS: Wadamka malaysia oo dib u dhigay burcad ay doonaysay in ay maxkamadayso

Monday February 07, 2011 - 18:56:17
0 Comments
1160
Super Admin
Dowlada dalka Malaysia ayaa dib u dhigtay Burcad badeed somalia maxkamadaytoda ka dib markii ay qabteen dhawaan.

Malaysia ayaa sheegtay in 6 maalin dib loo dhigay maxkamadeynta todobo qof oo burcad badeed Soomaali ah oo ay ciidamada Malaysia ka soo qabteen gacanka Cadan bishii hore, taasoo qeyb ka aheyd howl galo ay ciidamo badan oo ka tirsan caalamka ay kula dagaalamayaan burcad badeeda Soomaalida.

Afhayeen u hadlay ciidanka dalka Malaysia oo u waramayay wakaalada wararka ee Faransiiska ayaa sheegay in weli ay socdaan baaritaanada lala xiriirinaayo raggas, sidaa darteed dib loo dhigay xilliga maxkamad la soo taagi lahaa nimankaas oo loo heysto burcadbadeednimo.

Burcad badeeda ayaa weeraray markab shidaal ah oo ay laheyd dowladda Malaysia oo u socday Singapore, shidaalkaas ayaa qiimahiisa gaarayay 10 Million oo dollarka Mareykanka ah, balse ciidamo ka tirsan kumandoska Malaysia oo ilaaliya badda ayaa weeraray burcadaas, iyagoo u adeegsaday diyaaradaha Helkobtarka taasoo u suuro galisay inay qabtaan burcad badeedaas.


Dalka koonfur Kuuriya ayaa sidoo kale soo qabtay burcad badeed Soomaali iyagoo 8- ka mid ah dilay inta ay ku jireen howlgalkaas, kadib markii ay si awood ah ugu soo furteen markab ay ka heysteen burcad badeeda, iyadoo Malaysia iyo koonfurta Kuuriya ay yihiin dowladaha ugu horeeya qaradda Asia ee xaqiijiyay la dagaalanka burcad badeeda, iyadoo haddii burcad badeedtan lagu maxkamadeeyo dalkaasi ay noqon doonto burcad badeedii ugu horeesay oo Soomaali ah oo lagu maxkamadeeyo dalkaasi.

Mascuud BTS online

Related Items


Leave a comment