Ugu Yaraan 10 Qof Ayaa Ku Dhimatay Qarax Ismiidaamin Ah oo Ka Dhacay Muqdisho

Monday February 21, 2011 - 12:33:56
0 Comments
1053
Super Admin
Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa qof naftiisa miidaamiyey la galay saldhig ay iska lahaayeen ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka.

Saldhiga la weeraray ayaa ku yaala xaafadda Xamar jajab halkaas oo ay kataliso Dawladda Federaalku. In ka badan 10 qof ayaa qaraxaas ku dhintey waxaana jira dad kale oo qaba dhaawacyo culus, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn baaxadda uu le’eg yahay khasaarihii ka dhashey qaraxaas.

Hassan Ali oo ka tirsan Booliska ayaa warbaahinta Reuters u sheegay in ay arkeen gaari si xawli ah ku socda kadibna waxa uu ku dhexqarxay saldhiga, waxaana is qabsadey olol iyo qiiq.

Qaraxa ka dhashey gaariga loo isticmaaley ismiidaaminta ayaa laga maqlaaey meelo ka durugsan Saldhiga Sardini ee uu qaraxu ka dhacay, waxaana la aaminsan yahay in ay fuliyeen qaraxaas kooxda al-Shabaab oo dagaal ba’an ka wada magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha warkan gadaal ayaan ka soo daabacaynaa.

Related Items


Leave a comment