Qaramada Midoobay oo $5-milyan ugu deeqday Barakacayaasha iyo dadka ay saameyeen Abaaraha

Monday February 28, 2011 - 12:33:28
0 Comments
1051
Super Admin
Hay’ada Qaramada Midoobay ayaa ugu deeqday dadka barakacayaasha iyo kuwa ay saameyeen abaaraha ee ku sugan degaanada Puntland lacag gaaraysa $5-milyan doolarka maraykanka si wax looga qabto xaaladaha ay ku suganyihin.

Xirriryaha Bin’aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mark Bowden oo soo gaarey shalay magaalada Bosaaso ayaa ku dhawaaqay in lacagtaas loogu talagalay dadka soo barakacay ee kunool Puntland iyo kuwa kale ee ay abaaruhu saameyeen.

Wuxuu sheegay in lacagtaas ay ugu talagaleen in wax looga qabto xaaladdaha ay ku suganyihin dadkaas,isagoo yiri in Bosaaso ay martigelisay barakacayaal badan.

Mark Bowden ayaa shalay galab booqasho ku maray xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Bosaaso,waxaana lagu wadaa maanta inuu booqasho ku tego degmooyinka Waaciye iyo Qardho ee gobolka Karkaar.

M. Ali Farax BTS

Related Items


Leave a comment