3000-askari oo hor leh oo Muqdisho loo soo wado

Sunday March 27, 2011 - 16:00:11
0 Comments
907
Super Admin
3000-askari oo hor leh oo Muqdisho loo soo wado

Dowladaha Uganda iyo Brundi ayaa shaaca ka qaaday in ay qorsheeynayaa in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 3000 oo askari u diraan Soomaaliya kuwaasi oo lagu xoojinayo howlgalada Amisom.

Amisom ayaa wadda qorshe ah in tirada ciidamda ka jooga Muqdisho gaarsiiyaan 12.000 oo askari .

Madaxda ciidamda Africa ee Soomaaliya jooga ayaa shaaca ka qaaday in go`aanka ciidamo kordhinta ay qaateen dalalkaasi ka dib markii taliyaasha ciidamda dalalkasi booqdeen Muqdisho .

Arrinkaan ayaa soo baxaya xilli Soomaaliya ay ku jirto mowjado amaan darri oo ay sii dheer tahay gaajo iyo xasilooni daro siyaasadeed oo hareeysay hogaanka dowladda .

BTS

Related Items


Leave a comment