Qaraxa ka Dhacay Magalada hargaysa oo ay Dad wax ku yeeloobeen:

Tuesday April 05, 2011 - 15:32:15
0 Comments
1085
Super Admin
Ku dhawaad 20 qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Hargeysa.

Hargeysa: Ku dhawaad 20 ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay bamgacmeed maanta barqadii ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo dadka dhaawacmeyna dhaawacoodu uu fududyahay.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland, abaaro 10:30 daqiiqo ayaa maanta waxaa magaaladaasi ka dhacay bamgacmeed la sheegay in uu tuuray nin dhimirka looga jiro, iyadoo qaraxaasina uu sababay dhaawaca 19 qof oo rayid ah oo ku sugnaa Suuqa kuyaala agagaarka hotel Waayeel ee Magaalada Hargeysa.

Ninka bamka tuuray ayaa ka mid ahaa dadkii dhaawacmay, waxaana dhaawacooda la geeyay isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa sida uu warbaahinta u sheegay Dr. Axmed Jaamac Samatar (Huu) oo tilmaamay in dhaawacyadu ay yihiin kuwa fudud.

Ruux bamka tuuray oo la sheegay in uu miyir la’yahay waxaana wareysi dhaqaatiirtu ay la yeesheen uu ku sababeeyay qarixinta bamgacmeed, kadib markii sida uu sheegay dadku ay u diideen in ay wax siiyaan, hase ahaatee dhaqaatiirka guud ee Hargeysa ayaa sheegay in ay baaritaan caafimaad ku sameynayaan ruuxaasi.

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Cilmi Faarax Hurre oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in qaraxu uu ahaa mid si lama filaan ah ku dhacay hase ahaatee waxa uu isna dhankiisa xusay in ay baarayaan halka bamgacmeedka uu ka keenay ninkaasi la sheegay in dhimirka looga jiro.

Ahmed Yare Hargaysa

Related Items


Leave a comment