Obama oo sheegay in khatar Mareykanka kaga soo fool leedahay Somaliya

Sunday April 10, 2011 - 03:02:39
0 Comments
2225
Super Admin
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda Soomaaliya iminka ay ku jirto uu halis ku yahay amaanka qaranka Mareykanka.

Obama waxa uu xusay in aan laga fursan doonin in la qaado talaabooyin deg-deg ah si looga hor tago halisyada amaan ee ka soo fool leh Soomaaliya .

Qoraal uu ka soo saaray aqalka cad ayuu ku sheegay in xaaladda amaan ee sii xumaaneysa iyo loolanka hubeysan ee ka jira dalkaasi dhaca B/Africa uu sii xoojinayo culeyska haysta maraakiibta ku socdaasha xeebaha Soomaaliya ee weerarada kaga imaanayaan dhanka bad jiifka soomaalida .

Waxa kale oo uu intaa ku daray in dhibaatada ka jirta Soomaaliya aya sidoo kale wiiqeyso siyaasada dibadda ee Mareykanka .

Obama waxa uu tilmaamay in ay diyaarinayaan istraatijiyo cusub oo xal loogu raadinayo arinkaan .
Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha warar

www.burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment