Ciidamada Burundi ee ku sugan Muqdisho oo ka cabanaya mushaar la'aan illaa billowgii sannadkan

Friday April 22, 2011 - 15:58:40
0 Comments
841
Super Admin
Ciidamada Burundi ee ku sugan Muqdisho oo ka cabanaya mushaar la'aan illaa billowgii sannadkan

Askari ka tirsan ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya oo qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa u sheegay BBC-da in tan iyo bishii Decmber ee sanadkii hore aysan helin wax mushaar ah, taasoo uu sheegay inay ku abuurtay niyad-jab.

Sidoo kale, askarigan ayaa sheegay in qoysaskii ay kasoo jeedeen askartii ku dhintay dagaalada Muqdisho iyo kuwii ku dhaawacmay aysan weli helin wax magdhow ah.

"Laga soo bilaabo bishii Janaayo ee sanadkan wax mushaaraad ah ma helin, waxay noo sheegeen in dhibaatadu ka jirto dhinaca ururka Midowga Afrika, balse innaga askar ahaan aad ayaan u niyad-jabsan-nahay, waayo qoysaskeena waxay is-weydiinayaan halka ay mushaarooyinkeennu maraan," ayuu yiri askarigan u warramay BBC-da isagoo Muqdisho ku sugan.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu tahay 9,000-askari ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, waxayna hay'adaha dowladda KMG ah ka difaacaan weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya xoogaga Xarrakatul Shabaab oo ka taliya inta badan dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Burundi oo ku sugan magaalada Bujumbura ee xarunta dalkaas ayaa xaqiijiyay jirtaanka cabashada askartooda ku sugan Soomaaliya, isagoo sheegay in arrintan oo kale ay dhacdo ayna la xiriirto dhinaca maamulka balse aysan ahayn lacag la'aan.

"Dhowr jeer oo hore ayay sidan oo kale mushaarooyinka u daaheen, balse ugu dambeyn waa la helay, dhibaato weynna uma aragno," ayuu yiri afhayeenka, iyadoo cabshadan aysan ahayn tii ugu horreysay ee kasoo yeerta ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa wuxuu askari walba bishiiba u qaataan lacag dhan 1,200-dollar, taasoo ay bixiso Midowga Afrika, waxaana intooda badan ku deeqa Midowga Afrika iyo Mareykanka.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka

www.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment